Kooxda Barcelona ayaa bilaabaysa in ay kooxdeeda ka nadiifo xidigo badan oo ayna u arag in ay kooxda wax badan ku soo kordhin karaan laakiin liiska ciyaartoyda Camp Nou laga diri karo waxaa ka mid noqday xidigo lacag badan lagu soo iibiyay.

Barcelona ayaa heshay fursad lama filaan ah oo ay kula soo saxiixan karto xidigii hore ee kooxdeeda ee Neymar jr kaas oo uu khilaaf xoogani ka dhex qarxay maamulka sare ee kooxdiisa wuxuuna hadda ka mid noqday ciyaartoyda la filayo in ay Barca xagaagan ku soo biiri doonaan.

Barcelona waxay sidoo kale heshiis la sii gaadhay xidiga kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann waxayna taasi maamulka Barcelona ku qasbaysaa in ay marka hore iibiyaan Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele.

Sida lagu shaaciyay Teamtalk, kooxda Barcelona ayaa Liverpool u soo bandhigay saxiixa xidiga reer France ee Ousmane Dembele kaas oo waqtiyo kala duwan ku soo qaatay Camp Nou.

Barcelona ayayna suurtogal u ahayn in ay kooxdeeda kuwada haysan karto Coutinho, Ousmane Dembele isla markaana ay kooxda keeni karto Neymar jr iyo Griezmann taas oo ah culays dhaqaale oo ayna Barca awoodi karin.

Barcelona ayaa sanadkii 2018 kii waxay Ousmane Dembele ka soo bixisay 105 milyan yuro laakiin waxa uu dhibaato badan ku soo maray dhaawacyo xalaadiisa Barca horumar wayn u diiday.

Ousmane Dembele ayay wararku sheegayaan in uu u furan yahay in uu xagaagan bixi karo laakiin Liverpool ayaa hore uga mid ahayd kooxihii sida wayn u doonayay Dembele.

Jurgen Klopp oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay la waydiiyay haddii uu Ousmane Dembele la soo saxiixan doono waxa uu sheegay in haddii la heli karo xidiga reer France uu soo iibsan lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Barcelona ayaa u baahan in ay ciyaartoy badan iibiyaan si ay Neymar Jr dib ugu soo celin karaan Camp Nou isla markaana ay Griezmann la soo saxiixdaan taas oo galaafan doonta Coutinho iyo Ousmane Dembele.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR