Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha ku tartamaya saxiixa gool dhaliyaha kooxda Lille wacdaraha ku soo dhigay ee Nicolas Pepe kaas oo diyaar u ah in uu horyaalka France ka dhaqaaqo.

Liverpool ayaa la sheegay in ay dalab ka gudbisay Nicolas Pepe si ay ugu garaacdo kooxaha Bayern Munich iyo Manchester United waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in Jurgen Klopp uu si khaas ah u jecel yahay xidiga reer Ivory Coast ee Nicolas Pepe.

Nicolas Pepe ayaa 23 gool u soo dhaliyay kooxda Lille wuxuuna u soo saaray tartanka UEFA Champions league kadib markii ay kaalinta labaad kaga dhamaysteen horyaalka France.

Wargayska dalka France ka soo baxa ee  Le10Sport ayaa shaaciyay in kooxda Lille ay dalab ka heshay Liverpool kaas oo ay Reds ku doonayso saxiixa Pepe.

Laakiin waxaa warbixintan lagu sheegay in kooxda Lille ay sidoo kale heshay laba dalab oo kale oo ka yimid kooxo kale kuwaas oo la filayo in ay yihiin Bayern Munich iyo Manchester United.

Balse Le10Sport ayaa si gaar ah u shaaciyay in Liverpool ay dalab ka gudbisay Pepe isla markaana uu Jurgen klopp xidigan si gaar ah u jecel yahay.

Jurgen Klopp ayaa raadinaya xidig tayo sare leh oo weerarka kula tartami kara Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino ama badal u noqon kara marka ay dhaawac ku maqan yihiin iyo marka ay nasasho u baahdaan.

Liverpool ayaa la filayaa in ay dhegaysan doonto dalabyada lagu doonayo Shaqiri, Lallana iyo Lovern inkasta oo la filayo in Origi uu heshiis cusub ku mutaysan doono bandhigii dhamaadkii xili ciyaareedka uu sameeyay.

Klopp ayaa hadda wada qorshaha kooxdiisa ee xili ciyaareedka ka hor wuxuuna doonayaa in ka hor finalada Community Shield iyo UEFA Super Cup in uu kooxdiisa si buuxda u sii diyaariyo.

Kooxda Lille ayaa Pepe ku qiimaynaysa 70 milyan yuro oo u dhiganta ilaa 60 milyan gini laakiin lama shaacin lacagta saxda ah ee dalabka Liverpool ay u dirtay kooxda Lille waxaana la filayaa in waqtiyada soo socda xog dheeraad ah laga heli karo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR