Waxaa La Dareemay Ad Blocker!

Fadlan Iska Disable-garee Barnaamijka Xaysiinta Qarinaya ee Ad Blocker kadib Refresh-garee Pageka Si uu Warku Dhamaystirani Kuugu Soo Baxo.

Mahadsanid…………..

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Chelsea ayaa dooneysa inay la saxiixato weeraryahanka Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ka dib markii ay seegeen saxiixa Romelu Lukaku sida ay ogaatay Sky Sports.

Kooxda Blues ayaa dooneysa inay la soo wareegto gooldhaliye heer caalami ah xagaagan, iyadoo Diego Costa uu ku dhow yahay inuu ka tago Stamford Bridge.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa jecel Aubameyang, waxaana uu 28 jirkaan ku jiraa liiska ciyaartoyda uu doonayo isaga iyo xiddiga Real Madrid Alvaro Morata iyo xiddiga Torrino Andrea Belotti.

Dortmund ayaa ku fasixi doonta Aubameyang xagaagan lacag gaareysa 70 milyan ginni, waxaana uu u sheegay kooxda inuu doonayo inuu baxo, iyadoo AC Milan iyo Paris Saint-Germain ayaa durbaba wadahadal la galay, iyadoo uu burburay wadahaladii kooxda Shiinaha ee Tianjin Quanjian isbuucii la soo dhaafay.

Madaxa Dortmund Hans-Joachim Watzke ayaa sheegay inuusan heli wax dalabyo ah, waxaana uu digniin ku bixiyay in kooxaha xiiseynaya inuu waqtiga ka dhamaanayo.

“Waxaan sugi doonaa dalabyadooda dhowr maalmood kale laakiin ma sii sugi doono” ayuu yiri. “Shaqsiyan waxaan jeclaan lahaa haddii uu sii joogo, laakiin waxaa jira kooxo yar oo uu lacag badan ka heli karo.”

Dortmund ayaa dooneysa in mustaqbalka Aubameyang la xaliyo ka hor 24ka bishaan Luuliyo markaasoo ay u ambabaxayaan xeradooda tababarka ee Switzerland.

Aubameyang ayaa ahaa gooldhaliyihii ugu sareeyay ee Bundesliga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay 31 gool 32 kulan uu saftay. Waxa uu dhaliyay 40 gool tartamada oo dhan.

Comments

comments

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR