Inta aanu xili ciyaareedka cusubi bilaamin iyo xataa inta uu socdo waxaa saadaal lagu sameeyaa Super Computer Xog badan lagu ururiyay.

Saadaasha Super Computer waa mid tixraac u ah xogta iyo natiijooyinkii hore ee kooxuhu soo heleen oo laysku min guuriyay si saadaal macquul ah looga sameeyo.

Haddaba maxaa sax ka noqday saadaashii ugu horaysay ee Super Computer lagu sameeyay intii aanu xili ciyaareedkan dhamaadka ahi bilaamin ee bishii August 2018 kii?.

Saadaasha ugu wayn ee uu Super Computer ku guulaystay ayaa ah in sidii uu saadaaliyay ay Manchester City difaacatay koobka Premier League xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah.

Saadaasha labaad ee ugu wayn ee uu saxay Super Computer ayaa ah in Liverpool ay kaalinta labaad ku dhamaysatay iyada oo waliba hal dhibic ka hoosaysa Man City.

Laakiin qaladka ugu wayn ee uu sameeyay ayaa ah in Man United oo uu kaalinta saddexaad u saadaaliyay inkasta oo ay kaalinta lixaad ku ugu dhamaysatay iyada oo 32 dhibcood ka hoosaysa Man City.

Super Computer ayaa sidoo kale saxay in Arsenal ay kaalinta shanaad kaga dhamaysatay Premier League waana isla kaalintii uu u saadaaliiyay intii aanu xili ciyaareedkan dhamaadka ahi furminba.

Leicester City oo kaalinta 9 aad ku dhamaysatay, Crystal Palace oo kaalinta 12 aad ku jirta iyo Southampton oo kaalinta 16 aad ku dhamaysatay ayaa dhamaantood saadaashii laga bixiyay la saxay.

Sidoo kale Super Computer ayaa intii aanu xili ciyaareedkani bilaamin waxa uu sii saadaaliyay in kooxaha Huddersfield iyo Cardiff City ay heerka labaad u dhacayaan taas oo xaqiiq noqotay laakiin Brighton ayaa saadaashii ka badbaaday.

Halkan kaga bogo Saadaashii uu Super Computer Sameeyay intii aanu xili ciyaareedkan la soo gaba gabeeyay ee Premier League bilaamin.

Fiiro Gaar ah: Tirada kooxaha ku hor qorani waxay tilmaamaysaa kaalmaha uu Super Computer sare u qaaday koox ama uu hoos uga dhigay halka ay ku dhamaystay.

1. Manchester City 

2. Liverpool

3. Manchester United (+3)

4. Chelsea (-1)

5. Arsenal

6. Tottenham Hotspur (-2)

7. Everton (+1)

8. West Ham United (+2)

9. Leicester City

10. Fulham (+9)

11. Wolverhampton Wanderers (-4)

12. Crystal Palace

13. Watford (-2)

14. Burnley (+1)

15. Newcastle United (-2)

16. Southampton

17. Bournemouth (-3)

18. Huddersfield Town (+2)

19. Brighton & Hove Albion (-2)

20. Cardiff City (-2)

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR