Mid ka mid ah Xafiisyada Sare ee Gobolka Banaadir ayaa noqday Xafiis aanan shaqeyn oo masuulka ku qoran aanan si joogto ah looga helin, maadaama aysan ku waynayn masuuliyadda ah u adeegida Bulshada, taasi bedelkeedana doortay arrimo kale oo shaqsi ah.

Cumar Cabdi Risaaq Aadan oo ah Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa inta badan ka maqan Xafiiskiisa Xarunta Dowladda hoose ee Gobolka Banaadir, taasi bedelkeedana wuxuu door biday inuu dhex fadhiyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.

Xoghaye Cumar Cabdi Risaaq, waxa uu la shaqeeyaa Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre oo Xoghayntiisa koowaad uu yahay, waana midda keentay inuu ilaawo shaqada Gobolka Banaadir.

Nin ka mid ah dadka adeega dowliga ah u doontay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay muddo laba todobaad ah inuu isaga daba noqonaayay Xafiiska Xoghayaha Gobolka Banaadir, intaasina loo sheegaayay inuu ka maqan yahay shaqada.

“Walaalow illaa laba isbuuc ayaan isaga daba laabanaayay Xafiiska Xoghayaha Gobolka Banaadir oo aan rabay in aan warqado u geeyo oo arrimo dowladeed ah, balse maalin kasta oo aan tago waxaa la igu dhahaayay wuu maqan yahay.” Ayuu yiri Shaqsigan.

Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaqada koowaad ka dhigtay tan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, waxaase taas bedelkeeda uu ilaaway middii loo magacaabay ee masuuliyadda Bulshada uu u haayay.

Maqnaanshaha joogtada ah ee uu ka maqan yahay Xafiiska Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muujinaysa in isla xisaabtan dhab ah uusan ka jirin Xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR