Madaxweynaha maamulka hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa amray masuuliyiinta gobolka Hiiraan in ay amniga gobolka sugaan ka dib kulan uu kula qaatay Magaalada Jowhar.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale masuuliyiintii uu Jowhar uu kula kulmay ku amray in la joogteeyo howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.

Xasan Ibraahim Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka siyaasada ee gobolka Hiiraan kana mid ahaa xubnihii uu Madaxweyne Waare la kulmay ayaa sheegay in ay fulinayaan amarka madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo sugi lahaa amaanka guud ee gobolka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo looga hadlaayo Xaaladda Ammaan ee Hirshabeelle ka waday Magaalada Jowhar.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR