Naadiga Manchester United ayaa ku billaabatay guul xilli ciyaareedka Premier League-ga kullan ay Leicester City ku fur-furteen.

Red Devils ayaa xalay safkeeda ay kasoo muuqdeen siddeed ciyaaryahan oo ka mid ahaa safkii ka qayb galay kullamadii isu diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Romelu Lukaku, Scott Mctominay iyo Maroune Fellaini ayaa beddel kusoo galay ciyaarta, xilli Martial uu si aad ah uga cabanayay kasoo muuqasho la’aanta garoonka.

Jose Mourinho oo shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib lagu weydiiyay sababta uusan u isticmaalin weeraryahanka reer France ayaa ka jawaabay arrintaas.

“Waan rabay inaan ciyaarsiiyo Martial, daqiiqado cayiman, xilli cayiman, waa uu ku wanaagsanaa ciyaarta oo waa uu daba-mareyn lahaa, balse waan cabsaday, maxaa yeelay waxaan ogaa in Paul uusan dhameysan karin 90-ka daqiiqo, Fred-na uu dhibaato yar qabay” ayuu Jose ku jawaabay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR