(Manchester) 16 Agoosto 2019. Daafacii hore ee kooxda kubadda cagta Leicester City Harry Maguire ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Manchester City suuqan xagaaga, sida ay qoreen wargeysyada England.

Harry Maguire ayaa ugu dhaqaaqay Manchester United intii lagu jiray suuqan xagaaga heshiis rikoor ah ee gaaraya 80 milyan ginni.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Daily Express” kooxda Manchester City ayaa Maguire u soo bandhigtay mushahar todobaadle ah oo gaaraya 278 kun ginni.

Daafacii hore ee Leicester City ayaa diiday dalabkii ay u soo bandhigtay naadiga Skay Blues, wuxuuna u dhaqaaqay United-ka isagoo haatan usbuucii mushaar ahaan u qaata 190,000 ginni.

United beat City to Maguire's signature (Picture: Getty)

Wargeyskan reer England ayaa tilmaamay in hamiga koowaad ee Harry Maguire uu mar walba ahaa ku biirista kooxda Red Devils, taasoo sababtay inuu iska diiday ku biirista Manchester City.

Aabaha Harry Maguire ayaa sheegay in wiilkiisu markasta uu ku riyoon jiray inuu xirto maaliyada Manchester United tan iyo markii uu yaraa.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR