Daafaha caalamka oo dhan, aad ayey suuragal in tahay in carruurta ay xasaasiyad ka qaadaan cuntada.

Ka dib baaritaanka geeriida wiil British ahaa oo u dhintay Bur-cad, sisin iyo Loos uu cunay, waxaa lagu ogaaday in dhibaato xun ay mararka qaar ka dhalan karto cuntada.

Sannadkii tagay, gabar lix sano jir ahayd oo u dhalatay Australia ayaa u dhimatay xasaasiyad ay ka qaaday caanaha warshadeysan.

Dalalka reer Galbeedka, waxaa tobannaankii sano ee la soo dhaafay ku sii badanayay xannuunada xasaasiyadda. Cudurada laga qaado cuntada waxay UK gudaheeda sare u keceen 7% boqolkiiba, halka Australia ay gaareen 9% boqolkiiba. Yurub oo dhanna, boqolkiiba 2% ka mid ah dadka waaweyn ayaa qabo elerji.

Dhibaatooyiinka halista gelin kara nolosha qofka, waxaa kicin kara cunto yar, taas oo cabsi ku beertay qoysaska iyo bukaannada. Ka fogaanshaha cuntooyiinka qaar waxay dhibaato iyo culeys weyn ku yihiin qoysaska iyo qeybaha kale ee bulshada.

Inkastoo aan si dhab ah loo sheegi karin sababta rasmiga ah ee sare u kaca cudurrada xasaasiyadda, haddana cilmi baarayaasha caafimaadka ee daafaha caalamka waxay si adag ugu dadaalayaan xal u helidda dhibaatadan.

Maxaa Sababa xasaasiyadda (allergy)?

Xannuunkan waxaa sababa hannaanka difaaca jirka oo la dagaallamaya Shey loo baahnaan in uu u arko wax aan dhib lahayn, ee loo yaqaano xasaasiyad.

Walxahaas aan dhibaatada lahayn waxay noqonayaan bartilmaameed, taas oo dhalisa xasaasiyadda.

Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah maqaarka oo gaduuta, finan iyo barar – kiisaska qaar ee aadka u xun – waa mataq, shuban, naqaska oo ku dhega qofka iyo kaadida oo ku dhegta ama iska soo daadata.

Cuntooyiinka ugu baadan ee caruurta ay xasaasiyadda ka qaadaan waxaa ka mid ah:

  • caanaha
  • ukunta
  • lawska
  • noocyada kale ee miraha sida (walnuts, almonds, pine nuts, brazil nuts, pecans)
  • sisinta
  • kalluunka
  • qaar kale oo ka mid ah noolaha badda (sida crustaceans iyo molluscs)

Meelaha ay u badan tahay in xasaasiyadda cunta uu ku bato

Illaa 30-kii sano ee la soo dhaafay, xasaasiyadda laga qaado raashiinta way sii badaneysay, si gaar ah dalalka warshadaha ku horumaray.

Tusaale ahaan, shan-jibbaar ayuu sare u kacay xasaasiyadda laga qaado noocyada kala duwan ee lawska ee UK, muddadii u dhexeysay 1995 illaa 2016.

Dhanka Australia waxaa lagu xusay baaritaanka sare u kaca xasaasiyadda cuntada. Illaa 9% boqolkiiba carruurta hal sano jirka ah waxay xasaasiyad ka qaadaan ukunta, halka 3% boqolkiibna ay lawska ka qaadaan xasaasiyad.

Waxaa loo maleynayaa in sare u kaca xasaasiyadda ay ugu wacan tahay bay’ada iyo arrimo la xiriira qaabka nolosha reer Galbeedka.

Heerka cudurradan ee dalalka soo koraya weli wuu hooseeyaa. Waxayna u badan tahay in magaalooyiinka ay ka xasaasiyad badan yihiin miyiga.

Dadka soo galootiga ah waxay loo maleynayaa in neef iyo xasaasiyadda cuntada ay ka qaadaan dalalka Yurub ee ay tagaan, marka la barbardhigo waddankii ay ka yimaadeen, taas oo sii xoojineysa in bay’ada ay sabab u tahay cudurkan.

Sharaxaadda macquulka noqon karta

Ma jirto arrin cad oo lagu tilmaami karo sababta dunida ay xasaasiyad ugu sii noqoneyso cuntada, balse seyniska ayaa aragtiyo arrintaa ku saabsan muujiyay.

Mid ka mid ah waa in la eedeeyo nadaafadda casriga ah, iyadoo carruurta aysan ku dheceyn caabuqyo badan oo loo baahan yahay.

Caabuqyada noolaha, si gaar ah, waxay si isku mid ah ula dagaallamaan xasaasiyadaha. Haddii gooryaan yar uu ku jiro oo dagaalkaas gali lahaa, difaaca jirka wuxuu ku soo jeesanayaa waxyaabaha kale ee aan dhibka lahayn.

Arrinta kale waxay tahay in fitamiin D uu caawinayo hannaanka difaaca jirka uuna sameynayo qaab uu uga falceliyo weerrarada taas oo yareyneysa in jirka uu u nuglaado xasaasiyadda.

Inta badan dadka ku nool daafaha caalamka ma helaan fitamiin D ku filan, dhowr arrin ayaa u sabab ah; sida qoraxda oo ku yar jirka oo dadka aysan rabin in ay isu bandhigaan.

Dhibaatada uu ku hayo bini-aadamka

Geerida gabar da’yar oo British ah oo xasaasiyad ka qaaday cunto waxay muujisay saameynta ay aadanaha ku leedahay xaaladdan, iyo sida cad ee loogu baahan yahay in si dhab ah loo ogaado loona daweeyo.

Hadda ma jirto dawo rasmi ah oo loo diyaariyay xasaasiyadda laga qaado raashiinka, xakameynta xaaladdaasna waxay ku xirantahay ka fogaanshaha cuntooyiinka iyo qorshe degdeg ah oo aad isku daweyso in la diyaariyo si looga hortago haddii xasaasiyadda ay kacdo.

Sida keli ah ee lagu ogaankaro xasasiyadda waxay tahay inaad qaadato cunto ka mid ah kuwa aad ka shakineyso oo aad u badan, balse waa in dhaqtar uu xaaladda la socdo.

Si kastaba, carruurta waxay arrintaas ku tahay dhibaato, waana halis weyn oo xasaasiyad xun ku kicin karta. Tijaabooyiinka laga sameeyo jirkooda ee la xiriira hannaanka difaaca waxaa suuragal ah in natiijo qaldan oo u muuqata mid sax ah ay soo saarto.

Xitaa haddii si sax ah loo ogaado xannuunka, dawana la siiyo bukaanka, haddana, ka fogaanshaha cuntada kicisa waa arrin adag, falcelinta aan la fileynna way badan tahay.

Waxaa jiro dawooyiin la tijaabiyay oo la xiriira xasaasiyadda raashiinka laga qaado, aad ayaana loogu baahan yahay.

Inta taas laga gaarayo, xasaasiyadda waxay sii ahaaneysaa walwal iyo qeyb ka mid ah nolosha maalinkasta ee carruurta iyo waalidiintooda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR