Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa lagu wadaa in lagu wareejiyo lix nin, kuwaa oo sida la sheegay dhac ka geysan jiray gudaha Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ee Degmada Dharkiinley oo maalmihii ugu dambeeyay degmadaasi ka waday hawlgalo amni xaqiijin ah ayaa waxay gacan ku soo dhigeen illaa lix nin iyo hubkii, ay dadka ku dhici jireen.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo Saraakiisha Ciidamada qaarkood oo maanta tagey Degmada Dharkiinley ayaa loogu soo bandhigay raggaasi iyo hubkii ay dadka ku baaran jireenba.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ciidamada amniga uga mahadceliyay shaqada ay qabteen ayaa ku bogaadiyay inay ballaariyaan hawlgalada ay nabadda ku suggayaan.

Duqa Muqdisho waxaa uu intaa ku daray in raggaasi ay ku wareejinayaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, si ay sharciga ugu qaado.

Tani waxay ku soo beegmaysaa, xilli bulshada reer Muqdisho ay qaarkood ka qaylo dhaaminayaan ragga qoryaha ku hubeysan, ee dhaca joogtada ahi ka gaysanaya Caasimadda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR