Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta bilawday dhageysiga dacwada loo heysto dad lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii iyo gubidii bishii September 2018 xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid loogu geystay Marxuum Axmed Muqtaar Dowlo.

Maxkamadda ayaa maanta la horkeenay 7 ruux oo loo heysto kiiskaasi, kuwaasi oo ay soo qabteen ciidamada ammaanka Degmada Yaaqshiid.

Axmed Dowlo ayaa ku baxay gacanta Todobadan ruux, kadib markii ay ka caroodeen Gabadhooda inuu guursado ama la haasaawo Wiil uu adeer u ahaa Marxuumka.

Reerka Gabadha ayaa ku andacooday in Gabadhooda aysan u qalmin inuu guursado wiilka, sababo la xiriira heyb sooca.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay go’aan rasmi ah ka gaarto dadkan loo heysto dilka marxuum Axmed Dowlo.

Dhacdadii lagu gubay Axmed Dowlo ayaa in mudo ah aad looga hadal hayay Magaalada Muqdisho, iyada oo walaac laga muujinayo inay cadaalad helaan qoyska dhibanayaasha ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR