(PSG) 11 Luulyo 2018. Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu dhibaato xoogn dhexda ka galay.

Florentino Perez ayaa soo fuulay cadaadis xoogan kadib markii uu shaqada iska casilay macalinkii hore Zinedine Zidane iyo ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus.

Jamaahiirta ayaa waxay kaga fadhiyaan Perez inuu qaado talaabo deg deg ah uu ku buuxin doono booska uu ka baxay xidiga ku guuleestay 5 jeer abaal marinta Ballon d’or ee Cristiano Ronaldo.

Florentino Perez ayaa raja wanaagsan ka qabay in uu gacanta ku dhigi doono midkood labada xidig kooxda PSG Mbappé iyo Neymar.

Laakiin PSG ayaa u muuqata mid albaabada kasoo xiratay kooxda reer Spain ee Real Madrid taasoo xaalada kusii xumeyn karta madaxweynaha haatan talada kooxda haya ee Florentino Perez. Xili Cristiano uu kaga dhaqaaqay Juventus.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR