Mudooyinkii dambe waxaad taagneed dood weyn taasoo ku saabsan cida ah, laacibka ugu fiican aduunka, waxaana su’aashaas isku haysta xidigaha kala ah Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, oo La Liga ka dheela.

Balse, waxaa su’aashaas si fudud oo aan waqti ku qaadan ka jawaabitaankeeda Halyeeyga caanka ah ee Gary Lineker, kaasoo haatana ah, Falanqeeya si weyn looga yaqaan Horyaalka waa weyn ee Yurub.

Lineker, ayaa wuxuu ku burburiyay baraha Bulshada, Ronaldo, isagoona amaan ugu qubeeyay xidiga Barcelona, kaasoo uu ku sheegay inuu yahay mid kaliya ee wax waliba sameyn kara.

Amaantaan ayaa wuxuu Leo lahelay Lineker, kadib markii sedex gool dhaliyay ciyaartii uu qarankiisa Argentina, ugu soo saaray Koobka aduunka ee 2018-ka, kaasoo ka dhacaya dalka Ruushka.

“Messi waan daawadaa kubadiisa, waana xiiseeyaa, waxa uu caawa sameeyay ayaa ka dhigan inuu yahay midka kaliya ee sameeyn kara wax waliba,” ayuu kusoo qoray Bartiisa Twitter-ka kadib ciyaartaas.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR