Image result for Michael Ballack vs Italy

(Berlin) 14 Nof 2017 Halyeeyga reer Jarmal ee Michael Ballack ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in xulka talyaanigu uusan u soo bixin koobka adduunka.

Xulka qaranka talyaaniga ayaa xalay ku guul daraystay u soo bixida koobka adduunka kadib markii ay 0-0 lagaleen xulka Sweden oo horay uga soo adkaaday 1-0.

Michael Ballack ayaa sheegay in xulkiisa Germany uu saanba ugu sii guulaystay koobka adduunka ee 2018 kadib markii la waayay xulka talyaaniga.

“Germany waa ku guulaystayaasha koobka adduunka laga bilaabo haatan” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Jarmalka ayaa difaacanaya koobka adduunka kadib markii ay ku soo guulaysteen kii lagu qabtay Brazil 2014.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR