(London) 16 Maajo 2018 Maamulka sare ee kooxda Arsenal ayaa u muuqda kuwo la heshiiyay tababare ku xigeenka Manchester City ee Mikel Arteta.

Sida ay baahisay The Sun, Agaasimaha fulinta kooxda Arsenal ee Ivan Gazidis ayaa ku cadaadinaya maamulka sare ee kooxda in Mikel Arteta lagu badalo Arsene Wenger.

Image result for Mikel Arteta Cazorla

Wuxuu arinkaan ka shaqaynayay tan iyo markii uu ku dhawaaqay tababare Arsene Wenger inuu ka tagayo Arsenal bishii hore.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mikel Arteta uu caawiye ka dhiganayo xiddiga ay isku dalka yihiin ee Santi Cazorla kaas oo ka soo kabanaya dhaawac gaaray 2016.

Maamulka Arsenal ayaa u muuqda kuwo kooxda ku sii haynaya ciyaartoydii ugu danbeeyay ee sida dhaw ula shaqeeyay tababarihii ka tagay kooxda ee Arsene Wenger.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR