Horyaalka Premier League waa mid xiisahiisa wata xitaa marka la gaaro wakhtiyada fasaxyada, waxaana aad loo hadal hayaa in kooxda difaacaneysa horyaalka ay laba kulan ciyaari doonto in ka yar 48-saacadood marka la gaaro kulamada Boxin Day-ga.

Wakhtigaas waa kan ugu badan ee ay kooxaha ka faa’iideystaan, maadaama kulamada la ciyaarayo ay hoosta isaga jiraan waxaa suuragal ah in kooxaha qaarkood ay dhibaato kala kulmaan nasiino la’aanta.

Wiilasha Pep Guardiola waxey jimcaha 27-ka Diseembar u safri doonaan Wolverhampton Wonderers saacadda geeska Afrika markey tahay 9:45, halka ay Sheffield United kusoo dhaweyndoonan Etihad Stadium maalinta Axadda (29-ka Diseembar) 8:00 Habeenimo.

Kaliya waxey kooxda difaacaneysa horyaalka heystaa 46-saacadood iyo 15-daqiiqo oo labada kulan u dhaxeysa.

Dhinaca kale Liverpool waxey heystaa nasiino ka badan Citizens maadaama ay Leicester City u safri doonaan 10:00 habeenimo xiliga Geeska Afrika (26-ka Diseembar), sidoo kalana waxey Anfield kusoo dhaweyn doonaan Axadda (29-ka Diseembar) saacadda markey tahay 4:00 Galabnimo.

Sidaas darteed kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League waxey heli kartaa 68-saacadood iyo 30-daqiiqo marka laga hadlo wakhtiga u dhaxeeya labada kulan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR