Advertisements


Kaddib guushii ay dhawaan kooxdiisa Real Madrid kasoo gaadhay tartanka Spanish Super Cup-ka, Madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez ayaa wax laga weydiiyay arrimaha suuqa ee kooxdiisa gaar ahaan wararka Paul Pogba.

Los Blancos ayaa dhawaan Spanish Super Cup-ka kusoo garaacay Atletico Madrid iyagoo markale soo muujiyay awoodooda ciyaareed iyo sida ay dib ugu heleen qaab ciyaareedkoodii kaddib soo laabashada Zinadine Zidane.

Dhinaca kale, Pogba oo ka tirsan Manchester United ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Real suuqyadii ugu dambeeyay iyadoo la filayo in warkaasi uu dib usoo laba kaclayn doono suuqa xagaaga ee sanadkan 2020 iyo bilaha June iyo July.

Perez oo kaddib guushoodaas la weydiiyay Paul ayaa hadal kaftan ah ka sameeyay isaga oo ku jawaabay inuusan garanayn qofka uu yahay Pogba halka uu amaanay kooxdiisa.

Advertisements


“Anigu ma garanayo qofka uu Pogba yahay, Waxaanu nahay guuleystayaal u qalma Spanish Super Cup-ka, Waananu faraxsanahay” Ayuu ku kaftamay Perez markii wax laga weydiiyay arrimaha khadka dhexe ee United isaga oo taas bedelkeeda ku faraxsanaa waxqabadka xiddigihiisa.

Marka laga yimaado wararka sheegaya in tababare Zidane uu yahay shaqsiga sida gaarka ah u doonaya Pogba, Waxa sidoo kale soo if-baxaya warar sheegaya in Madrid ay joojin karto xiisaheedaas kaddib qaab ciyaareedka Fede Valverde oo wax badan soo bandhigaya.

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR