Manchester City ayaa haatan ay hogaamiyaasha Premier League, waxaana ay leeyihiin 31, dhibcood, waxaana ay ku dhaliyeen 11 kulan 38 gool, waxaana wali ay yihiin kuwa aanan marnaba dhinacooda aanan dhulka la dhigin.

Balse, maamulaha Arsenal ee Arseana Wenger, ayaa wuxuu aaminsan yahay in Kooxda Pep Guardiola, aysan ahayn mid aanan laga badin karin, hadii ay sidaas sameysay, wuxuuna aaminsan yahay in laga adkaan karo.

City ayaa haatan waxay badisay 10 kulan, halka kan kale, oo ay la dheeshay Everton, Taako loo dhigay, waxaana ay guushii ugu dambeysay ee EPL ay 3-1 ay kusoo daartay Arsenal, oo kaalinta 6aad fadhisa.

Gunners-ka ayaa waxay ku qaaday tartanka EPL, sanadkii 2003-04, iyadoo aanan marnaba laga badin, hadaba Wenger ayaa waxaa la su’aalay in City iyo Pep ay sidaas aya sameyn karaan, wuxuuna usheegay BeIN Sports, sidaan:-

“Xiligaas waxaa jiray dhinacyo fiican waa sax, waxaana ay tahay wax tegay, balse, hada City ma ahan mid aanan laga badin karin, waa laga adkaan karaa, inkastoo aanan ogeen waxa dhici kara, balse, dad qaar ayaa saadaaliya.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR