Halyayga haysta rekoodhka gool dhalinta abid ee horyaalka Premier league ee Alan Shearer ayaa soo saaray shaxda kooxdiisa xili ciyaareedkan ugu fiicnayd Premier League waxaana lagu daabacay barta rasmiga ah ee maamulka Premier league.

Alan Shearer oo ka mid ah khabiirada kubbada cagta England ayaa soo doortay 11 ka xidig ee uu arko in ay yihiin kuwii booskooda ugu fiicnaa xili ciyaareedkan kulamadiisii ugu danbeeyay la ciyaaray ee Premeir League.

Waxa uu Alan Shearer shaxdiisa ku magacaabay shan ciyaartoy oo Manchester City ka soo jeeda iyo waliba tababare Guardiola oo uu u soo xushay macalinkii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa Premeir league.

Laakiin sidoo kale Alan Shearer ayaa shan ciyaartoy oo kale ka soo qaatay kooxda kaalinta labaad ku dhamaysatay ee Liverpool halka ciyaartoyga kale uu noqday mid ka soo jeeda Chelsea.

Shaxda Alan Shearer ayaa ah shax si buuxda u muujinaysa wixii xili ciyaareedkan ka dhacay Premier league wuxuuna u muuqdaa mid soo xulay shax xataa ka fiican kooxdii sanadka ee PFA Team of the Year.

Aan ku bilawnee Shearer ayaa shaxdiisa goolka ugu soo bilaabay Ederson oo Man City ka caawiyay koobka Premier League wuxuuna afarta difaaca ah u soo doortay Van Dijk, Robertson, Arnold oo dhamaantood Liverpool u ciyaara iyo Laporte oo Man City ka tirsan.

Saddexda khadka dhexe waxa uu Alan Shearer u soo doortay Bernardo Silva, Gini Wijnaldum iyo Eden Hazard kuwaas oo dhamaantood ayaa ciyaartoydii xili ciyaareedkan ugu bandhiga fiicnaa.

Saddexda weerarka ayuu Alan Shearer u soo doortay Sadio Mane, Sergio Aguero iyo Raheem Sterling kuwaas oo ka mid ahaa ciyaartoydii gool dhaliyaasha ahaa ee ugu fiicnaa xili ciyaareedkan.

Halkan kaga bogo Shaxda Kooxda Xili ciyaareedka ee uu Alen Shearer Soo Doortay.

Haddaba akhriste, miyay shaxdani tahay mid ka fiican shaxda kooxdii PFA Team of The year? Haddii aanad shaxdan u arag shaxda ugu fiican ee Premier League maxaad ka badali lahayd?

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR