Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay haddii kooxdiisu ay iska dhiibtay tartanka horyaalka Premier League oo ay haatan 11 dhibcood ka dambeeyan kooxda hoggaaminaysa ee Liverpool kaddib 14 kulan oo la ciyaaray.

Liverpool ayaa kaliya laba dhibcood xilli ciyaareedkan lumisay waxaana ay muujinaysaa sida ay u qabsanayso horyaalka iyagoo siddeed dhibcood ka sarreeya kooxda booska labaad ee Leicester City.

Iyadoo ay xaaladu halkaas marayso ayuu tababare Guardiola diiday in aaminaadii iyo kalsoonidii ay ka tagtay kooxdiisa kahor kulanka ay Salaasada booqanayaan Burnley.

Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisu aysan marnaba is dhiibin midaasna laga garan karayo luuqad jidheedka ciyaartoydiisa iyo sidii ay ugu halgameen kulankii Newcastle United ay bar-bardhaca 2-2 ah lasoo galeen.

Advertisements

Pep ayaa hadalkiisa ku furtay “Waxaan filayaa daacad ahaantii inaad eegto sida ay ciyaartoydu u ordeen, Sida ay u dagaalameen, Sida ay iskugu dayeen inay u sameeyaan, Luuqada jidhka”.

“Anagu marnaba isma dhiibno, Kooxdu waa mid markasta halkaas joogta, Kaasi waa dareenkayga, Waxaad faaqidaysa ciyaarta, Waa 2-2 dabcan, Anaga nooma wanaagsana waxay u wanaagsan tahay Newcastle United”.

“Waan ogahay ma tirsamayso laakiin waa inaan lafo-guro qaab ciyaareedka, Qaab ciyaareedkuna waxa uu ahaa mid wanaagsan”

Sky Blues ayaa Salaasada booqanaya Burnley, Walow ay adagtahay in 11 dhibcood laga soo kabto haddana Guardiola iyo xiddigahiisa ayaan la filayn inay rajo dhigaan oo u dagaalami kara sidii xilli ciyaareedkii hore.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR