Advertisements


Real Madrid ayaa u dabaal dageysa hanashada koobka Supercopa de Espana, waxeyna hadda ka fakarayaan kulankooda xiga ee horyaalka La Liga.

Kooxda boqortooyada waxey gurigooda (Estadio Santiago Bernabeu) kusoo dhaweyn doonaan Sevilla maalinta sabtida ah, waxeyna isha ku hayaan iney xoojiyaan tartanka ay ugu jiraan horyaalka La Liga.

Waa kulanka ugu horreeya oo ay kooxdaan ciyaari doonto kadib guushii ay kala soo laabteen magaalada Jeddah halkaas oo ay rigooreyaal koobka Supercopa de Espana kaga soo qaadeen dhigooda Atletico Madrid.

Shabakadda Marca ayaa dareensan in kooxda Sevilla aysan wali qorsheynin hadii ay sharfi doonto ama ugu hambalyeyn doonto Madrid koobka ay kusoo guuleysteen ee maxaliga ah.

Advertisements


Julen Lopetegui oo laga soo ceyriyay shaqada Madrid sanadkii lasoo dhaafay ayaa maamula Sevilla, waxaana jirtay suuragalnimo ah iney kooxda ugu abaal guddo wixii loo sameeyay 14-sano ka hor.

Los Blancos ayaa ugu hambalyeysay Sevilla hanashada koobka UEFA Cup ee hadda loo yaqaano UEFA Europa League fasalkii 2005/2006.

Advertisements


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR