Xiddigii hore ee xulka qaranka Spain Fernando Morientes ayaa ka dhawaajiyay in xiddiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo uu aad ugu faraxsanFernando Morientes yahay sii joogista kooxdiisa.

Ronaldo oo 32 jir ah ayaa si weyn waxaa loo hadal haayay in uu isaga tagayo Madrid, iyadoona ay xiddigaasi xiisaynayaan kooxaha PSG iyo Kooxdiisii hore ee Manchester United.

Balse tabaraha kooxda Manchester Jose Mourinho ayaa sabtidii waxa uu sheegay in ay kooxdiisa marna rabin Ronaldo,isagoona sheegay in arinta xiddigaasi ay tahay howgal aan macquul aheyn.

Balse Morientis oo horay kooxda Real Madrid kula guulaystay seddex koobka Champions League iyo labo horyaalka oo  La Liga ah ayaa sheegay in uu Ronaldo uu sii joogayo kooxda Real Madrid.

“ma aanan maqlin Ronaldo oo dhahaya waxa aan rabaa inaa ka tago Real Madrid.”waxaa sidaasi yiri Morientes mar uu ka qeyb galaayay tartanka Star Sixes.

“waxa aan aqaan sida uu ushaqeeyo, dhammaadka xilli ciyaareed walba waxa aan maqalnaa warar badan oo xan ah oo ku aadan ciyaartooyda magaca leh, Ronaldo waxa uu ka mid yahay ciyaartooydaas ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR