Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Joel Matip ayaa xog cusub ka bixiyay xaalada dhaawacii u diiday kulamadii kooxdiisa ee ugu dambeeyay iyo haddii uu diyaar u yahay kulanka Man United ee Axada.

Liverpool oo hoggaanka u haysa Premier League ayaa Axadan marti ku noqon doonta Old Trafford waxaana ay booqanayaan Manchester oo cadaadis weyni saaran yahay kaddib bilaabasho aan fiicnayn.

Kulankaas ayaa ah mid ay labada kooxood dhaawacyo kala duwan qabaan, Liverpool ayaa gabi ahaanba war wanaagsan ka helaysa xaalada xiddigahii ka maqnaa oo ay ugu horreeyaan Mohamed Salah iyo Alisson Becker.

Kooxda warka dhiilada ah ka helaysa soo kabashada xiddigaheeda ayaa ah Man United maadaama haatanba hubaal laga dhigay maqnaanshaha xiddigaha ugu muhiimsan safkeeda ee Paul Pogba iyo David De Gea.

Si kastaba, Warka wanaagsan ee ay Liverpool ka haysatay Salah iyo Alisson oo kulankaas diyaar u noqon karaa ayuu usoo raacayaa midka Matip oo sheegay inuu taam yahay, Tababarka kusoo laabtay haddii loo baahdana uu diyaar u yahay kulankaas.

Joel ayaa yidhi “Waxaan kusoo laabtay tababarka waxaanan ku rajo weynahay inaan taam ahaan doono, Waxaan kusoo laabtay tababarka waxaanan dareemayaa wanaag”.

“Dabcan haddii la ii baahdo halkaas ayaan joogi doonaa, Dhaawacyadu (Waxay ku dhacaan) ciyaartoyga, Haatan waan soo laabtay waxaanan diirada saari karaa wanaagyada”.

Matip oo Liverpool ka maqnaa kulamadii Leipzig iyo Leicester City ayaa gabi ahaanba la dareemay doorkii uu ku lahaa daafaca kooxda gaar ahaan kulankii Leipzig oo qaladaad daafac hadheeyeen Reds.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR