Advertisements

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa kulanka ay Isniinta jilbaha isdari doonaan kooxda ay kaalinta afraad ku loolamayaan ee Manchester United waxaana xog laga helay haddii uu Frank Lampard shaxdiisa dib ugu soo celin doono goolhaye Kepa Arrizabalaga.

Advertisements

Chelsea ayaa kulamo olol ah mari doonta waqtiyada dhaw ee soo socda waxaana iskugu xigi doona kulamada Manchester United, Tottenham iyo Bayern Munich, waana kulamo ay xaalada Blues hurumar ama hoos u dhac wayn samayn karto.

Chelsea waxay isniinta soo dhawayn doontaa Manchester United waxaana la helay xog muujinaysa in Frank Lampard uu shaxdiisa dib ugu soo celin doono goolhayihii uu ciqaabay ee Kepa Arrizabalaga.

Frank Lampard ayaa si lama filaan ah kulankii Leicester City kaydka u dhigay goolhayaha aduunka ugu qaalisan ee Kepa Arrizabalaga laakiin waxa uu shaxdiisa ku soo celin doonaa kulanka Manchester United.

Wargayska The Sun ayaa shaaciyay in kulan dhex maray Lampard iyo Kepa uu sabab u noqday in goolhayuhu ku soo bixi doono shaxda Lampard iyada oo Kepa uu hadda diyaar u yahay in uu booska kowaad dib u soo ceshado.

Goolhaye Willy Caballero oo uu Lampard shaxdiisa ku soo bilaabay kulankii Leicester City ayaa lagu eedeeyay goolkii labaad ee ay Foxes kulankaas keensatay taas oo door ku yeelatay in tijaabadii Lampard ayna guulaysan.

Kepa ayaa marar badan eedayn la kulmay laakiin iyada oo la galay waqtigii xili ciyaareedka ugu muhiimsanaa isla markaana ay Blues labada kulan ee soo socda ee Premier league mari doonto imtixaan adag, waxa uu Lampard soo celin doonaa Kepa.

Waxaa jiray warar sheegayay in Kepa uu ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay ee Chelsea oo uu kaydka ku qudhmi doono laakiin warar hadda soo baxay ayaa sheegaya in Lampard aanu ka maarmari karin Kepa isla markaana uu kulanka United shaxdiisa ku soo celin doono.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR