Wargeyska ree England ee Mail Online ayaa xog cusub kasoo saaray xaalada dhaawac ee da’yarka kooxda Chelsea ee Mason Mount kahor kulanka xoogan ee ay Axadan Stamford Bridge kusoo dhawayn doonaan kooxda Chelsea.

Mount ayuu dhaawacani ku gaadhay kulankii ay toddobaadkan guuldarrada kala kulmeen kooxda Valencia ee ka tirsanaa tartanka UEFA Champions League kaddib cadaadis uu kala kulmay khadka dhexe ee kooxdaas Francis Coquelin.

Dhaawacaas ayaa inuu kulanka sii wato u diiday Mount oo bedel ku baxay waxaana uu wer wer ku abuuray jamaahiirta kooxdiisa ee uu ilaa haatan xilli ciyaareedkan 2019-20 muhiimka usoo ahaa.

Haddaba, Heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawacan iyo halistiisa ayaan la ogsoonayn ilaa ay baadhitaanadii lagu sameeyay caddeeyeen inuusan ahayn dhaawac weyn oo mudo dheer qaadanaya isla markaana uu 20 jirkani deg deg usoo kaban karo.

Natiijo ahaan, Mason ayaa la filayaa inuu taam buuxa u noqdo kulanka ay Reds qaabilayaan Axada sida uu sheegayo wargeyska Mail Online walow uu tartan la gali doono saacada.

Mount ayaa xubin muhiim ah ka ah shaxda tababare Frank Lampard waxaana uu ilaa haatan saddex gool uga soo dhaliyay kulamada horyaalka uu ka ciyaaray ee shanta kulan ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR