Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Holland ee Virgil Van Dijk oo sidoo kale kamid ah tartamayaasha ugu cad cad abaalmarinta Ballon d’Or sanadkan 2019 ayaa ka hadlay haddii uu xaflada lagu bixinayo abaalmarinta caawa ka qayb galayo.

Dhawaan ayay soo baxeen warar sheegaya in la helay xog qarsoodi ah oo muujinaysa sida loogu kala guuleystay abaalmarintaas iyadoo ay sawirka la helay ka muuqato in xiddiga Barcelona ee Lionel Messi uu booska koowaad galay.

Waxa xusid mudan in guuleystaha abaalmarinta loosii sheego inuu hantay isla markaana laga sii qaado sawiro hordhac ah balse marnaba lama rumaysan karo waxkasta oo kasoo horreeya ku dhawaaqista ugu dambaysa.

Si kastaba ha ahaatee, VVD ayaa sheegay inuusan samayn doonin siday sameeyaan ciyaartoy badani oo uu xaflada toos u tagi doono isla markaasna uusan jirin cid guuldarrayste ku noqonaysa goobtaas.

Advertisements

Virgil ayaa hadalkiisa ku bilawday “Waan tagayaa si aan u arko waxa ay ku saabsan tahay, Waxaan filayaa inaysan halkaas joogin guuldarraystayaal fiidkaas”.

“Aad baan ugu han weynahay inaan kamid noqdo goobtaas, Inaan halkaas ku joogo qaabkii aan kooxda bandhiga ugu sameeyay sanadkii hore iyo sidoo kale qaranka”.

“Kaliya waa wax lagu han weynaado sababtoo ah ciyaartoy badani halkaas ma tagaan umana istaagaan waxyaabaha noocan ah, Ma jiraan guuldarraystayaal fiidnimadaas, Waynu arki doonaa waxa dhaca”.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR