Weeraaryahankii hore ee kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Cameroon ee Samuel Eto’o ayaa talo mustaqbalkiisa kubadda cagta ku aadan usoo jeediyay garabka Liverpool ee Mohamed Salah.

Mohamed Salah ayaa suuqii xagaaga ee 2017 kusoo laabtay Premier League oo uu hore Chelsea ugu soo ciyaaray balse uu kusoo fashilmay, Salah ayaana wacdarro dhigay kaddib imaatinkiisa Liverpool.

Xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Anfield ayuu soo dhaliyay 44 gool 16 kalena caawiye kasoo noqday kaddib 52 kulan, Waxaana uu markale soo dhalaalay xilli ciyaareedkii tagay ee 2018-19 oo uu soo dhaliyay 27 gool 13 kalena soo caawiyay 52 kulan.

Kaddib labadaas xilli ciyaareed ee heerka sarre ah ee uu kusoo qaatay Premier League, Salah ayaa lala xidhiidhinayaa inuu ka bixi doono Liverpool balse sida uu wargeyska Mirror tabiyay waxa uu diiday fursado uu xagaagan ugu biiri karayay Real Madrid iyo Juventus.

Haatan, Eto’o oo ka warqaba wararka Salah la xidhiidhinaya Madrid ayaa xiddigan ree Egypt kula taliyay inuu dhabarka u jeediyo Los Blancos isla markaana uu ku biiro Barcelona.

Eto’o ayaa waayihiisa ciyaareed kasoo bilaabay Real Madrid balse kaliya saddex kulan ee kooxda heerka koowaad ah usoo saftay halka uu taa bedelkeeda 144 kulan usoo ciyaaray Barca.

Halyeeyga Cameroon oo la talinaya Salah ayaa yidhi “Barcelona ayaa noqon lahayd mid si ka wanaagsan ugu soo baxda”

“Real waxa ay i siisay fursada aan kaga tagay Africa laakiin waan garanayaa hanaanka ciyaareed ee Barcelona waxaanan filayaa inay isaga uga fiicnaan lahayd”

“Haddii uu haysto fursada uu kaga ciyaarayo horyaalka ugu wanaagsan dunida oo ah midka Spanish-ka, Waa inuu u saxeexo Barcelona, Mo waxa uu leeyahay waxkasta oo uu ku noqonayo mid kamida ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR