(Manchester) 11 Okt 2018 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa ku jira baxar wayn oo sababi kara inuu seego kulanka Chelsea.

Manchester United ayaa u safraysa 20-ka bishaan kooxda Chelsea kulan ka tirsan isbuuca 9-aad ee Premier League.

Jose Mourinho ayaa lagu soo eedeeyay inuu ku hadlay ereyo aan fiicnayn markii uu soo dhamaaday kulankii kooxdiisu ay guusha waalida ah ka gaartay Newcastle United.

Sky Sports ayaa daaha ka qaaday in FA-ga ingiriisku uu adeegsan doono shaqsi ku takhasusay aqrinta faruuryaha si loo hubiyo hadaladii uu ku dhawaaqay Mourinho dhamaadkii ciyaarta.

Mourinho ayaa looga shakisan yahay inuu ku hadlay hadalo aan fiicnayn dhamaadkii ciyaarta oo waliba uu ku yiri luuqada dalkiisa Portugal.

Haddii la cadeeyo in Mourinho uu ku hadlay ereyo aflagaado ah, wuxuu si rasmi ah u seegi doonaa kulanka Chelsea.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR