Kooxaha premier League ayaa lagu soo waramayaa in al siin doono wakhti dheer oo ay ku iibiyaan ama kula soo saxiixdaan suuqa kala iibsiga xagaaga sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

FIFA ayaa ka fiirsanaysa suuqa kala iibsiga soo socda kaas oo uu saamayn doono xanuunka Korona oo si baas u dilay dhaqaalaha adduunka.

Dhawr kooxood oo premier League ah ayaa la filayaa in ayna gabi ahaan suuqa galin siina haystaan xiddigaha haatan u jooga kooxda sabab la xidhiidha dhaqaale xumo soo wajahay kooxaha iyo waliba in xilli ciyaareedka dambe xitaa lagu ciyaari doono taageerayaal la’aan.

FIFA ayaa wakhti horeba ka hadashay in suuqa xagaaga la ogolaan doono in uu furnaado ilaa bisha Janaury ee sanadka 2021 laakiin waxa laga yaabaa in bilo kale lagu sii daro ilaa bisha 3-aad ee sanadka dambe.

Ka hor intii aan la badalin qorshaha suuqa kala iibsiga sanadkii 2002 kooxaha ayaa loo ogolaa in ay dhamaystiraan saxiixyadooda ilaa 3 bisha March ee sanadka.

Advertisements

Xidhiidhka kubada cagta ayaa haatan ka fiirsanaysa in ay League-yada iyo maamulada xidhiidhyada iyo wakiilada kala hadasho qaabka ugu fiican ee suuqa looga shaqaysiin karo xagaaga.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Xabsiga Ka Sii Daysay Cabdimaalik muuse coldoon

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LLIKE OUR FACEBOOK PAGE