Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaalada u dhexeeya maleeshiyaadka Shabaab iyo wadaadka Mukhtaar Roobow.
Maleeshiyaadka Shabaab iyo kuwa taabacsan Mukhtaar Roobow oo weli is horfadhiya ayaa waxaa lasoo sheegayaa in dagaalkaasi Jab xoogan loogu geystay Shabaab.
Dagaalyahaanada taabacsan Roobow ayaa la sheegay in dagaalkii ugu danbeeyay ay Hub ka furteen maleeshiyaadka Shabaab oo iyagu soo qaaday dagaalka.
Korneel Maxamed Xasan Timacade, oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bakool, ayaa sheegay in dagaalka khasaaro xoogan loogu geystay Shabaab.
 Taliyaha waxa uu sheegay in dagaalka Hub iyo gaadiid looga furtay maleeshiyaadka Shabaab, isla markaana laga dilay maleeshiyaad dhowr ah.
Waxa uu intaa ku daray Taliyaha in ujeedka ugu weyn Shabaab uu yahay in ay gacanta ku dhigaan Mukhtaar Roobow, balse ay gaari la’ yihiin.
Sidoo kale, waxa uu Korneel Maxamed Xasan Timacade Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bakool cadeeyay Ciidamada in ay qabaan amar buuxa oo ku aadan in ay u gurmadaan Sheekh Muqtaar Roobow Cali.
 Dagaalka ayuu sheegay inaysan uga aamusi doonin Mukhtaar Roobow, balse ay ka garab dagaalami doonaan inta meel laga saaro Shabaabka. Dhinaca kale, waxa uu cod dheer ku sheegay inay diyaariyeen ciidamo farabadan iyo gaadiid dagaal oo qeyb ka noqon doona dagaalka.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR