Naadiga Manchester City ayaa waxay afka ciida ugilisay Koxoda ku cusub Horyaalka Premier League ee Brighton, waxaana ay kusoo daartay goolal dhan 2-0, iyadoona uga mahadcelineysa Sergio Aguero iyo Laacib ka dhoho Drank.

Kulankaan ayaa wuxuu ahaa mid aad loo wadda sugayay, iyadoona Man City ay ku biirtay Liiska naadiyadda guulaha ku furtay Horyaalka Ingiriiska, waxaana kooxaha maanta dheelay ahaayeen kuwa taago loo dhigayay.

Macalin Pep ayaa wuxuu umuuqdaa mid dardar xoogan lasoo galay horyaalka, iyadoona maanta Blues, lagu soo gudbtay garoonkeeda, xilli lagu soo daaray 3-2, oo iyadana goolka looga horumaray.

Haddaba, halkaan hoose ka daawo muuqaalka Goolashii ay Man City, kusoo xaaqday Naadiga Brighton, iyadoona ay ku jiraan kuwa cajiib ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR