Feedhyahanka muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa shuruud adag ku xidhay wiil yar oo taageere u ah kooxda Barcelona wuxuuna Khabib wiil ka yar ku qasbay arin ay qariib tahay in aqbali karaan taageerayaasha kooxda Barca.

Xifiltanka kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ka dhexeeyaa waa midka ugu wayn ee heerka kooxaha kubbada cagta, laakiin Khabib Nurmagomedov ayaa wiil yar oo Barcelona taageer ku qasbay in uu afkiisa ka sheego kalmada ugu caansan Real Madrid.

Waraysi uu dhawaan bixiyay Khabib Nurmagomedov waxa uu ku sheegay in uu aad u jecel yahay daawashada kooxda Liverpool isla markaana uu kulan kasta oo ay Champions league ka ciyaareen xili ciyaareedkii dhamaaday uu daawaday balse waxa uu cadeeyay in Real Madrid taageere wayn u yahay.

Sida aad muuqaalka hoose ka arki karto, Khabib Nurmagomedov ayaa wiilal yar yar kula kulmay goob waxayna ka dalbadeen in ay sawir la galaan.

Laakiin markii uu wiilkii Barcelona taageeraha u ahaa isku dayay in uu Khabib Nurmagomedov sawir la galo waxa uu iska diiday in uu taageere Barca ah sawir la galo laakiin kadib waxa uu ku xidhay suruudan.

Khabib ayaa wiilka yar u sheegay in uu yidhaa: “Hala Madrid’ haddii uu doonayo in uu sawir la galo taas oo ugu danbayn wiilyari ku qasbanaaday si uu u helo sawirka uu sida wayn u doonayay ee Khabib.

Markii uu Khabib wiilka yar u sheegay in Hala Madrid uu yidhaa si uu sawirka ula galo caruurtii goobta joogta ayaa wada qoslay laakiin wiilka yar ayaa doortay in halkamadan aanu u seegin sawirka Khabib go’aankaas ayuuna qaatay.

In taageerayaasha Real Madrid iyo Barcelona ay afkooda ka soo baxdo kalmadaha halku dhiga u ah labada kooxood ayaan ahayn wax sahlan, laakiin saamaynta uu Khabib wiilkan yar ku yeeshay ayaa ku qasabtay in uu halku dhiga kooxda uu ugu neceb yahay sawirkiisa ku helo.

Halkan ka daawo qaabkii uu feedhyahanka Khabib Nurmagomedov wiilka yar ee Barcelona taageeraha u ah ugu qasbay in uu ‘Hala Madrid” ku heli karo sawirkiisa.

Dad badan oo dunida ku nool waxa qiimo wayn la leh sawir ay la galaan shaqsi caan ah, waxayna mararka qaar u maraan dhibaato badan, laakiin markii ay wiilka yar u sinaadeen in uu seego sawirka Khabib iyo in uu Hala Madrid afkiisa ka yidhaa waxaa u sahlanaaday in uu shuruuda buuxiyo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR