Tababare Jurgen Klopp ayaa ku dhaleeceeyay xiddigii hore ee England shaxdii isku darka aheyd ee uu ka sameeyay kooxaha Manchester United iyo Liverpool isagoo soo xushay kaliya ciyaartoyda Reds, waxaana uu tababare Klopp ku tilmaamay “kaftan”.

Daaficii hore ee England iyo Manchester City oo 42 sanno jir ah ayaa diiday inuu hal ciyaaryahan ka soo xusho ciyaartoyda Manchester United markii ay Sky Sports isbuucaan weydiisay inuu soo xulo shaxda isku darka ee labada kooxood ee ka hor kulanka Axada.

Laakiin Klopp ayaa ku dhaleeceeyay Danny Dmills saadaasha uu sameeyay aheyd in Liverpool ay si sahlan ku dulmari doonto Manchester United.

Shirkiisii jaraa’id ee maanta, Klopp ayaa yiri: “Waan iska dhegotirayaa in la yiraahdo kulankaan waa mid sahlan. Kaliya ma ahan kulanka United laakiin kulamada aan ciyaarno oo dhan ma ahan kuwa sahlan.

“Marka aad ka soo muuqato Sky Sports oo aad sameysay shax isku dar ah oo aad kaliya soo qaadato ciyaartoyda Liverpool, waxaasi waa kaftan.

“Waa kaftan, aniga ayaan udub dhexaad u ah. Dadka qaar ayaa raba inaan badino, dadka qaar ayaa raba inaan guuldareysano. Waan ka warqabaa awooda Manchester United.

“Waa inaan hubino haddii Man United ay dooneyso inay bedesho xilli ciyaareedkeeda inay sugto isbuuc kale.”

Horaantii isbuucaan isagoo u hadlayay Sky Sports, Mills ayaa soo xushay 11 xiddig oo Liverpool ah isagoo sheegay inay taaasi tahay shaxda isku darka ah ee labada kooxood.

Wuxuu ku adkeystay inuusan jirin ciyaaryahan Man United ah oo boos ka heli kara safka kooxda Jurgen Klopp, laakiin sida muuqata Klopp kuma raacsana.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR