(Barcelona) 09 Okt 2019. Ciyaaryahanka kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa la weydiiyey su’aal ahayd inuu waligiisa xirtay maaliyadda kooxda Real Madrid, mar uu fadhiyey mid ka mid ah muuqaal baahiyaha dalka Spain.

Daafaca Barca ee Gerard Pique ayaa si qosol leh uga jawaabay su’aashaan markuu fadhiyey mid ka mid ah TV-yada dalka Spain, waxaana isbuutiyaha ku weheliyey halyeygii hore ee ciyaaraha Teyniska, David Ferrer, waxaana labadaan shaqsi ay ka hadlayeen tartanka cusub ee Davies Cup.

Isagoo marti ku ahaa barnaamijka El Hormiguero, Gerard Pique ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah uu ku saabsan mihnaddiisa kubadda cagta iyo tartanka cusub ee uu isagu agaasimayo ee Davies Cup, kaasoo ah tartankii ugu horreeyay ee uu masuul ka noqdo.

Gerard Pique ayaa intii uu socday barnaamijkaas waxaa la weydiiyey su’aal ahayd haddii uu weligiis xirtay maaliyadda/Funaanadda kooxda Real Madrid.

Xiddigan oo inta badan saxaafadda la hadla marka la soo hadal qaado wax ku saabsan kooxdiisa iyo Los Blancos ayaa ah mid ay aad u neceb yihiin Jamaahiirta Real Madrid.

Waxaa lagu tilmaamaa Madaxweynaha mustaqbalka ee kooxda Balaugrana, waxaana Gerard Pique uu xirtay inuusan weligiis xiran maaliyadda Real Madrid, maadaama uu xasaasiyad ka qaado sida uu leeyahay.

Gerard Pique oo ka jawaab celinayey su’aasha la weydiiyey ayaana u sheegay Wariyaha barnaamijka daadihinayey: “Maya weligeey ma xiran, maxaa yeelay xasaasiyad.”

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR