Roberto20Mancini

(Milan) 12 Oct 2017. Tababbarihii hore ee Inter Milan Roberto Mancini ayaa ka gaabsaday in uu saadaal qayaxan ka bixiyo kulanka aadka loo wada sugayo ee Derby della Madonnina ee Axadda.

Labada kooxood ee Milan isku xifaaliya ayaa luqmaha iskula gali doona toddobaadka dambe gegida San Siro lugta kowaad ee Serie A-ga.

Hase ahaatee, leyliyaha iminka ee kooxda Zenit mar la weydiiyey cidda badineysa waxa uu yiri: “Dooni maayo in aan sadaal bixiyo, kaliya waxaan rajeynayaa in Inter kulan wacan dheesho.

Wareysiga oo uu siinayey Corriere della Sera waxa uu intaa raaciyey: “Nerazzurri si wanaagsan ayey ku bilowday, maxaa yeelay waa koox xooggan weyna is wada yaqaanaan, in aad ku kooba ayaa is bedello lagu sameeyey marka la bar bar dhigo Milan.

“Rossoneri xoogaa dhibaato ayey la kulmeysaa, waqti ayey qaadan doontaa in wax walba sida saxda ah noqdaan, laakiin shaqo fiican ayey ka sameeyen suuqa kala iibsiga.”

GoolFM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR