Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa biyo qabow ku shubay wararka xanta suuqa ku lifaaqaya sawirka Dubai looga qaaday xiddigiisa Paul Pogba iyo tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane, wuxuuna arintaan kaga hadlay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Liverpool.

Kubad sameeyaha reer France Paul Pogba oo wakhti soo kabasho ku qaadanaya magaalada Dubai ayaa la kulmay shaqsiga uu aadka u xushmeeyo Zinedine Zidane kaas oo intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda aad uga baadi goobay suuqa.

Zinedine Zidane waxaa lagu casuumay shir ka dhacayay magaalada Dubai, halka Paul isna uu kasoo kabanayo dhaawacyada u diiday inuu kooxdiisa saacido.

“Wax dhibaato ah kuma qabo gabi ahaanba”ayuu yiri Ole Gunnar.

Dhinaca kale Ole Gunnar wuxuu shaaca ka qaaday in Paul Pogba uu damcay inuu ciyaaro dhawr jeer kulamadii ay kooxda ciyaartay balse uu doonayo inuu si fiican uga soo kabsado dhaawaca soo gaaray.

“Wuxuu ku ciyaarayay xanuun” ayuu yiri Ole, dhan walba ayaa laga dhaleeceeyay markuu soo laabtay kulamadii Rochalde iyo Arsenal, wuxuu si fudud u dooran karay inuusan ciyaarin, balse wuu ciyaaray”

Si kastaba Paul Pogba wuxuu seegay kulankii ay kooxdiisa Newcastle United guuldarada kala kulantay iyo sidoo kale kulamadii uu qarankiisa France ciyaaray kana tirsanaa isreeb-reebka koobka qaramada yurub 2020.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR