Naadiga reee talyaani ee inter Milan ayaa shaaca ka qaaday qiimaha rasmiga ah ay ku iibin doonaan Ciyaaryahan Milan Skriniar.

Milan skriniar ayaa noqday Difaac muhiim u ah Kooxda Nera Azurri waxaana laacibkan uu kamid yahay Xiddigaha Dooqa koowaad ka ah kooxda Luciano Spelleti.

Nerazzurri ayaa Dhowr jeer ka diiday kooxda reer England ee Manchester united qiimo lacageed gaaraya 65 Million oo Euros kaasi oo ay kasoo gudbiyeen skriniar.

Sikastaba inter milan ayaa u sheegtay koox walba oo dooneeysa Difaaceeda Skriniar in ay la timaadi Lacag gaareeysa 85M.

Laacibkan ayaa kooxda inter Milan kaga yimid naadiga Sampdoria Xagaagii 2017 , waxaana uu tan iyo markaas 23 sano jirkan u ciyaaray kooxdiisa 44 kulan isagoo u dhaliyay 4 gool.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR