Manchester United iyo tababaraheeda Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatanba ka fikiraya dib usoo xoojinta kooxdooda markale kaddib markii ay xilli ciyaareedkii dhawaa ee 2018-19 kusoo dhammaysteen qaab foolxumo ah.

Solskjaer iyo madaxda kale ee Old Trafford ayaa la filayaa inay ku mashquulsanaadaan keenista saxeexyo cusub si lamid ah waxa ay diirada saari doonaan inay kooxdooda ka diraan wajiyo dhawr ah.

Haatan, Wargeyska The Times ayaa sheegay in tirada xiddigaha ah ee la filayo in Solskjaer uu ka nadiifiyo kooxdiisu ay gaadhi doonaan ilaa lix ciyaartoy.

Ander Herrera iyo Antonio Valencia oo ahaa laba kamda xiddigihii ugu soo wanaagsanaa Manchester ee sanadihii ugu dambeeyay ayaa labaduba ka baxaya kooxda dhammaadka bishan sida ay kooxdu sheegtay

Valencia iyo Herrera ayaan wax heshiis kordhin ah u samaynin Old Trafford, Valencia ayaa heshiis ka heli waayay kooxda balse Herrera ayay maamulku u ogolaan waayeen wixii uu doonayay si uu kooxda usii joogo kaas ayaana ahaa go’aan jamaahiirta cadho galiyay.

Si kastaba, Xiddigahaas ayay raaci karaan Paul Pogba, Romelu Lukaku iyo Anthony Martial oo dhammaantood ah kuwo muhiim ka ah safka kooxda balse dhammaantood mustaqbalkoodu yahay mid hubaanti la’aan ah.

Martial ayay macquul tahay in la fasaxo kaddib markii uu markale ku fashilmay inuu maskax ciyaareed wanaagsan la yimaado waxaana bixitaaankiisa sii fududayn kara imaatinka Daniel James.

Dhinaca kale Pogba iyo Lukaku oo lacago aad u badan ugu qiimaysan Red Devils ayay kala doonayaan kooxaha Real Madrid iyo Inter Milan sida ay u kala horreeyaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR