Garabka kooxda Tottenham ee Son Hueng Min ayaa sameeyay balan qaad weyn kahor kulanka ay toddobaadkan dhexdiisa booqanayaan kooxda Manchester United iyagoo uu hoggaaminayo macalinkii hore ee kooxdaas ee Jose Mourinho.

Kulankaas ayaa ah mid labada kooxood ay is arki doonaan iyagoo xaalado adag ku jira walow kooxda xaaladeeda aadka looga dayrinayaa ay haatan tahay Manchester oo Tottenham laba dhibcood ka hoos martay.

Arrinta cusbada usii yeelaysa kulanka ayaa ah in Jose uu la kulmi doono kooxdiisii hore isagoo haysta fursad uu madaxda kooxda ku tuso qaladkooda halka xiddigihii uu hore kooxdaas ugu soo maamulay gaar ahaan kuwii khilaafku dhex maray ay dhinacood ka dhiiran yihiin,

Son ayaa ugu horreynba amaan kala dul dhacay Jose iyo qaabka uu ula dhaqmo ciyaartoyda ee wanaagsan halka uu dhinaca kale ka hadlay isbedelka wanaagsan ee ku yimid natiijooyinka kooxdaas.

Advertisements

Son Hueng Min ayaa yidhi “Isagu waa mid aad u naxariis badan, Waa mid dhoola-caddeynaya, Waa mid kaftan la samaynaya ciyaartoyda, Anigu waan ka helay midaas dabcan, Waxaan filayaa in natiijooyinku ay in badan isbedeleen, Dareenka dhinaca wanaagsan”.

“Qofkasta waa mid dareen wanaagsan kulamada kahor, Tababaruhu waxa uu samaynayaa shaqo heer sarre ah anaguna dhab ahaantii waanu ku faraxsanahay isaga, Waanu guuleysanay natiijooyinku dhab ahaan waa kuwo quman”.

Son oo kulanka United ka faaloonaya ayaa yidhi “Laba sano ayuu joogay United, Waxaan filayaa inaanu kaliya doonayno inaanu sii dhoola-caddeyno kulanka kaddib marka aanu jamaahiirta aragno, Waxaanu doonaynaa inaanu natiijada ugu wanaagsan u keeno isaga iyo nafaheena sidoo kale”.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR