|
HOOS KA DAAWO TVGA HILLAAC.NET |
|
|
|
HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO, CIID WANAAGSAN, CIID-MUBAARAK. |
|
Muqdisho, Jimce, 10 September 2010, (Hillaac.Net) DHAMMAAN MAAMULKA IYO SHAQAALAHA SHABAKADDA WARBAAHINTA HILLAAC.NET WAXAY HAMBALYO KU AADDAN CIIDDUL-FIDRIGA U DIRAYAAN UMMADDA MUSLIMKA AH DHAMMAANTEED GAAR AHAAN UMMADDA SOOMAALIYEED EE MUSLIMKA AH, WAXANA AAN ILAAHEEY KA BARYEYNAA IN CIIDDAN TEEDA XIGTA UU UMMADDA SOOMAALIYEED KU GAARSIIYO BARWAAQO, IYO BADHAADHE IYAGOO XOR AH. |
|
|
(DHAGEYSO) AFHAYEENKA XARAKADA ALSHABAAB OO FAAHFAAHIYEY QARAXII MAANTA AY KA FULIYEEN GUDAHA GAROONKA DAYUURADAHA MUQDISHO. |
|
Muqdisho, Khamiis, 09 September 2010, (Hillaac.Net) Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa faahfaahiyey weerarkii maanta ka dhacay gudaha garoonka magaalada Muqdisho oo ay Xarakada Alshabaab fuliyeen, Wuxuuna sheegay in Geesiyaal ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo si gaar ah loo tababaray ay fuliyeen weerarkaasi, Isagoo intaas ku daray in Allaah u fududeeyay oo ay xoog ku dhaafeen ilaaladii labada Albaab ee hore kadibna ay u gudbeen gudaha garoonka oo muddo saacad ku dhow ay ka dagaalamayeen, halkaasina ay ku laayeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ugandha iyo Saraakiil Ajaanib kale ah oo ay halkaasi kula shirsanaayeen.
SII AQRI OO DHAGEYSO.
|
|
|
QARAXYO WAAWEYN OO GILGILAY GAROONKA DIYAARADAHA MUQDISHO, IYO ALSHABAAB OO SHEEGATAY IN AY CIIDAMADOODU GUDAHA GAROONKA AY SARAAKIIL KU LAAYEEN. |
|
Muqdisho, Khamiis, 09 September 2010, (Hillaac.Net) Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay in ay ka dambeysay Weerar maanta Duhurkii lagu qaaday Garoonka Dayuuradaha Magaalada Muqdisho, Waxana ay Alshabaab sheegeen in Qaraxaas ay fuliyeen Rag si gaar ah loo tabobaray oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, Webka Alshabaab ayaa lagu daabacay in Ragga fuliyey Howlgalkaas ay xoog ku dhaafeen labada Albaab ee garoonku leeyahay iyagoo sii laayay Ciidamadii Ugandheyska ahaa ee halkaas ku sugnaa ee Waardiyaha ka ahaa labadaasi Albaab.
|
|
|
(DHAGEYSO) AFHAYEENKA CIIDAMADA ALSHABAAB OO SHEEGAY IN HUB CASRI AH AY KA QABSADEEN CIIDAMADA AMISOM GOOBO HORLEHNA AY KALA WAREEGEEN. |
|
Muqdisho, Arboco, 08 September 2010, (Hillaac.Net) Dagaal aad u culus oo galabta Abaarihii 16:00 Galabnimo ka qarxay degmada Shangaani gaar ahaan dhinaca xeebta oo ay Maalin ka hor la wareegeen Xarakada Alshabaab ayaa Faahfaahin uu ka bixiyey Sheekh Abumuscab oo ah Afhayeenka Ciidamada Alshabaab waxa uu sheegay in Ciidamada AMISOM ay Dagaalkaas ku soo qaadeen Iyagoo doonayey in ay dib u qabsadaan Goobo horay looga qabsaday, Waxase uu Afhayeenku sheegay in Ciidamadii AMISOM ee Weerarka soo qaaday Iyagoo Taangiyo tiro badan wata ay Jabiyeen Baqtigoodana ay wareen goobtii ay Weerarka ku soo qaadeen Iyagoo weliba ka furtay Hub Casri ah oo ay ka mid yihiin Qoryaha Baasuukayaasha loo yaqaanno Nooca Doorbinka leh.
SII AQRI OO DHAGEYSO AFHAYEENKA HADALKIISA. |
|
|
Guddoomiyaha Degmada Guriceel ee Kooxda Ahlusunna oo Gurigiisa la qarxiyey Iyo Waxyeello Culus oo soo gaartay 4 Carruur ah uu dhalay!. |
|
Muqdisho, Arboco, 08 September 2010, (Hillaac.Net) Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Degmada Guriceel Ninka lagu magacaabo Cismaan Ciise Nuur (Taar-Dhuleed) Guriga uu ka deggan yahay Magaalada Guriceel Bambaanooyin lagu qarxiyey Xilli uu isagu Gurigiisa ka maqnaa, Waxana Wararka na soo gaaraya ay sheegayaan in 4 Carruur ah oo uu Guddoomiyuhu dhalay ay Dhaawacyo ka soo gaareen Qaraxyadaas, Magaalada guriceel ayaa haatan Bandaw ah Iyadoo Ciidamada Ahlusunna ee magaaladaas gacanta ku haya ay rasaas kor u ridayaan. |
|
|
AFHAYEENKA DHINACA CIIDAMADA ALSHABAAB OO KA WARBIXIYEY DAGAALLADII 24KII SAAC UGU DAMBEEYAY KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO, IYO GOOBO HOR LEH OO AY CIIDAMADOODU QABSADEEN. |
|
Muqdisho, Talaado, 07 September 2010, (Hillaac.Net) Afhayeenka dhanka Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka warbixiyay guulihii ay Ciidamadoodu ka gaareen dagaaladii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka tirsan difaacyada ay isku horfadhiyaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Shabaabul Mujaahidiin. |
|
|
MADAXWEYNE SHARIIF OO MADAXTOOYADA SHIR ALBAABADU U XIRAN YIHIIN KULA LEH XUBNAHA BAARLAMMAANKA IYO DKMG AH KAGA JIRA BEELAHA HABARGIDIR IYO ABGAAL. |
|
Muqdisho, Isniin, 06 September 2010, (Hillaac.Net) Shir Albaabada la'isku xirtay ayaa Maanta ka socda Madaxtooyada Villa Soomaaliya Iyadoo Shirkaas uu Shirguddoominayo Shariif Sheekh Axmed, Shirka ayaa waxa la'isugu yeeray Xubnaha Labada beelood ee Habargidir iyo Abgaal kaga jira Baarlammaanka iyo Xukuumadda KMG ah, Waxana sida wararku nagu soo gaarayaan Shirkaas looga arrinsanayaa Qaabkii DKMG ah Goobaha ay haatan Magaalada Muqdisho kaga sugantahay loo difaaci lahaa Maadaama baaqyo ay DKMG ah u dirsatay Adduunka aan wax jawaab ah laga soo siinin. |
|
|
CIIDAMO KA TIRSAN DKMG AH OO GADOODAY IYAGOO XIRTAY INTA U DHEXEYSA KM4 ILLAA ISGOYSKA BANAADIR WAXAYNA KA CABANAYAAN MUSHAAR LA'AAN. |
|
Muqdisho, Isniin, 06 September 2010, (Hillaac.Net) Ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah ayaa Maanta iyagoo gadoodsan xirtay Waddada KM4 ee tagta Isbitaalka banadir Iyagoo Gebi'ahaanba Waddadaas gooyay kana celiyey Gawaaridii BLka ahaa ee isticmaalayey, Waxana la'arkayey Ciidamadaas oo Rasaas kor u furaya Gawaarida BLka ah ee kusoo dhawaada Waddadaasna Rasaas ku furyey. |
|
|
FAAFAAHIN NAGA SOO GAARTAY DAGAALLO XALAY ILLAA SAAKAY MUQDISHO KA DHACAY, IYO XARAKADA ALSHABAAB OO SHEEGTAY IN DIFAACII UGU DAMBEEYAY EE MADAXTOOYADA LAGA ILAALINAYEY AY LA WAREEGEEN. |
|
Muqdisho, Axad, 05 September 2010, (Hillaac.Net) Iyadoo Maanta oo Axad ah ay tahay Maalintii 13aad tan iyo intii Dagaallada ay Xarakada Alshabaab ugu magacdareen Qazwada Nihaayatul Mucdiin, ay ka billaabmeen Magaalada Muqdisho, Ayaa Faahfaahin naga soo gareysa Dagaallo aad u culus oo Xalay iyo Saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho waxay Tibaaxayaan in Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM lagala wareegay Difaacii ugu dambeeyay uguna Muhiimsanaa ee ay ka waardiyeynayeen Villa Somalia kaasoo ahaa Isgoyska Boondheere iyo Agagaarihiisa oo Dagaal aad culus oo Xalay ka dhacay Isgoyskaas ay Xarakada Alshabaab ugu suuragashay in Gebi'ahaanba ay Gacanta ku dhigaan Isgoyskaas. |
|
|
(DAAWO) HAWEENEYDA MAREYKANKA AH EE LATALIYAHA U AH MADAXWEYNE SHARIIF MICHELE LYNN BALLARIN OO DHEXFADHIDA MADASHII LAGU MAGACAABAYEY CUMAR CABDI RASHIID, JENERAL GABRANA WUU JOOGAA GOOBTA.. |
|
 Muqdisho, Sabti, 04 September 2010, (Hillaac.Net) Sawirro ay qaaday SomaliTalk ayaa waxaa ka dhex muuqda Michele Lynn Ballarin oo dhex fadhida (13kii Feb 2009) goobtii lagu magacaabayey ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee magaalada Jabuuti. Xilligaas Amiira waxay ahayd lataliyihii ugu horeeyey ee Sheikh Shariif u magacaabay si rasmi ah ka hor intii aan la soo dhisin xukuumadda.
|
|
|
QARAABADA MACALLIMIIN DUGSI QURAAN OO LAGA XIRXIRAY XAAFADAHA AY DKMG AH KA TALISO OO KA CABANAYA LACAGO 500 DOOLAR AH OO LAGU XIRAY SII DEYNTA MACALLIMIINTAAS. |
|
Muqdisho, Jimce, 03 September 2010, (Hillaac.Net) Waxaa Maalmihii la soo dhaafay si Xowli ah uga socday Xaafadaha farakutiriska ah ee ay DKMG ah gacanta ku hayso Ugaarsiga iyo Qaqabashada Macallimiinta Dugsiga Quraanka Iyadoo haatan Qaraabada Macallimiinta laga qafaashay Xaafadahaas Iyagoo Dugsiyadooda Qur'aanka ku barayey Ardayda ay ka cabanayaan Lacago 500$ ah oo lagu xiray sii Deynta Macallimiintaas. |
|
|
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|