Muqdisho, Axad, 25 July 2010, (Hillaac.Net) Magaalada Boosaaso ayaa Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay Dhacdooyin aad loola yaabay oo ay ka mid yihiin in Dadka Itoobiyaanka ah ee Magaaladaas Deggan ay si magangalyo ahaan ah Guryahooda u keeneen Dad Badan oo ay Suuqyada Ganacsiga Magaalada Boosaaso isku barteen oo Koofurta Somaaliya ka soo jeeda, Dadkaasoo Haatan Askarta Maamulka la magacbaxay Puntland ay ka Ugaarsanayaan Dariiqyada iyo Guryaha Magaalada Boosaaso.
Dhacdooyinka aadka loola yaabay ee ay ka sheekeeyeen qaar ka mid ah Dadka Reer Koofureedka ah ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo lagu soo daadiyey ayaa ahaa in Dadkaasi Markii Magaalada Boosaaso laga soo raafayey loogu soo galay Masjid ay ku Tukanayeeen lagana qafaalay Iyadoo Weliba Wadaadkii Imaamka ka ahaa Masjidkii loogu soo galay ee laga Qafaashay uu Dadkii Masjidka ku tukanayey u jeediyey in Ciidamada nabadgelyada Magaalada sugaya lala shaqeeyo si ay Howshooda u fushadaan.
"Saaxiibadeey Saciid iyo Axmed labadaba waxaa lagu hayaa Guryo ay leeyihiin Wiilal Itoobiyaan ah oo Magaalada Boosaaso aan isku barannay isku meelna aan ku ganacsan jirnay, Aniga Qudheydana weey iisoo Bandhigeen in ay i magangeliyaan oo ay Gurigooda igu Qariyaan balse Damiirkeygaa ii diiday in Dad Itoobiyaan ah ay igu hayaan Dhulkeygii Soomaaliyeed Ilaaheey baana tawakalay oo waan ka diiday Maalintii dambena Suuqii aan ku ganacsan jiray baan iska soo aaday Halkaa baana la'iga soo raafay Iyadoo Weliba Alaabadeydiina la'iga qaatay" Ayuu yiri mid ka mid ah Wiilashii laga soo Tarxiilay Magaalada Boosaaso oo sida uu sheegay diiday in Itoobiyaan ay ku magangeliyaan Dhul Soomaaliyeed.
In ka badan 12'000 oo Itoobiyaan ah oo u badan Qowmiyadaha Amxaarada, Uraagada, Iyo Oromada ayaa ku Nool Magaalada Boosaaso Iyagoo si Xor ah ugu Nool ugana Shaqeysta oo weliba Baarar Qamriga lagu iibiyo ku leh Magaaladaas, Waxana wax aad looga Yaqyqasoodo noqotay in Culimada ku Nool Deegaannada Puntland ay noqdeen kuwo Taageeray iyo kuwo ka Aamusay ee aan ka hadlin Ficilka Foosha xun ee Faroole iyo Kooxdiisu ay ku Ugaaranayaan Dad Soomaaliyeed Ajnabi ahaanna uga Tarxiilayaan Dhulkoodii halka Dadkii Ajnabiga ahaa ee Itoobiyaanka ahaana ay ku Sharfan yihiin Deegaannadaas laga raafayo Dadka Soomaaliyeed.
Dabcan sida la qiyaasayo Ficilkan Cunsurinimada ah ee Dadka reer Koofureedka ah ay ku ugaarsanayaan Faroolle iyo Kooxdiisa waxaa laga soo yeeriyey Magaalada Addisababa Iyadoo Melez iyo Dowladdiisu ay Kaarar badan ka gubteen oo uu ugu dambeeyay Kaarkii Kooxdii ay u soo bixiyeen Ahlusunna, Waxana haatan ay doonayaan in Shacabka Reer Koofureedka ah ay ku dhaqaaqaan Aarsi ay ku ugaaranayaan Shacabka ka soo jeeda Puntland ee Deegaannadooda jooga oo halkaana ay ka dillaacdo Qabyaaladdii 1991kii, Waxase Zenawi iyo Kooxdiisa aysan ku Xisaabtamin in Xaaladdu haatan ay ka duwan tahay tii 1991kii, oo Waddanka intiisa badan ay gacanta ku hayaan Xarakooyin Islaami ah oo Soomaalida ineey kala ficlaan iska daaye Xitaa Muslimmiinta Dunida oo dhan ugu yeeraya in ay Cududdooda Mideeyaan Cadawgoodana u Midoobaan. |