|
HOOS KA DAAWO TVGA HILLAAC.NET |
|
|
|
SARGAAL KASOO GOOSTAY DKMG AH OO AY CIIDAMADA ALSHABAAB MUQDISHO KU SOO BANDHIGEEN!!. |
|
Muqdisho, Arboco, 01 September 2010, (Hillaac.Net) Sargaal ka tirsanaa DKMG ah oo magaciisa ku sheegay Cabdiraxmaan Axmed Cabdi ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay gudaha magaalada Muqdisho isagoo wata dirayskii iyo qalabkii uu ku howlgali jiray, Cabdiraxmaan wuxuu warbaahinta u sheegay in uu yahay sargaal ka tirsanaa ciidamdii DKMG ah ee lagusoo tababaray dalka Jabuuti oo ay soo tababareen Ciidamo Faransiis ah, Isagoo xusay in isaga iyo Rag kale tababar gaar ah la siiyay kadibna gudaha dalka la keenay. |
|
|
CIIDAMADA UGANDHA OO U DIIDAY RAISULWASAARE CUMAR CABDIRASHIID INUU KA DHOOFO MAGAALADA MUQDISHO ISAGOO DOONAYEY IN UU AADO MAGAALADA NAIROBI. |
|
Muqdisho, Arboco, 01 September 2010, (Hillaac.Net) Wararka laga helayo Xafiiska Ra'isulwasaare Cumar Cabdi Rashiid ayaa sheegaya in Ciidamada Ugandha ay ishortaageen Safar uu Cumar Cabdirashiid ku doonayey in uu ku aado Magaalada Nairobi ee Waddanka Kenya, Safarka Ra'isulwasaaraha oo ahaa mid horay u sii qorsheysnaa isla markaana uu ku tegi lahaa Dhowr Waddan oo sida la sheegay uu kaga qeybgeli lahaa Maalinta Nabadda Adduunka oo ku aaddan Bisha Septembar ayey Ciidamada Ugandha si dadban isuhortageen iyagoo diiday in ay Ra'isulwasaaraha ka galbiyaan Madaxtooyada oo ay geeyaan Airaboorka, Iyadoo Diyaaraddii qaadi lahaydna ay taagneyd.
|
|
|
(DHAGEYSO) WARBIXIN SANNADLE AH OO DALKA UGANDHA LAGA SOO SAARAY LAGUNA SHEEGAY IN ASKARTA UGANDHA EE SOOMAALIYA LOO SOO DIRAY 2000 KAMID AH AY QABAAN CUDURKA AIDSKA. |
|
Muqdisho, Talaado, 31 August 2010, (Hillaac.Net) Warbixin Sannadle ah oo ay Magaalada Kampala kasoo saareen Mucaaradka Ugandha ayey ku kashifeen in Askarta Ugandha ee loo soo diray Dalka Soomaaliya 2000 kamid ah ay qabaan Cudurka Aidska ah, Iyagoo Mucaaradka Warbixinta soo saarayna Madaxweynaha Waddankaas Ugandha ku eedeeyay in Dhallinyaro Reer Ugandha ah oo qaba Cudurka AIDSka oo ku xareysnaa Xerooyin ku yaalla halka lagu magacaabo JILJA oo lagu baxnaaninayey uu u soo diray Dagaalka ka soconaya Dalka Soomaaliya.
SII AQRI OO DHAGEYSO WARBIXINTA OO FAAHFAAHSAN.
|
|
|
TALISKA AMISOM EE MAGAALADA MUQDISHO OO QIRTAY IN ASKAR AY UGA GEERIYOODEEN MADAAFIIC KU SOO DHACAY GUDAHA XARUNTA MADAXTOOYADA. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) Taliska Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa Caawa Qirtay in Madaafiic ku soo dhacday Xarunta Madaxtooyada ay kaga geeriyoodeen 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM, Iyagoo sidookalena sheegay in ay Madaafiicdaasi ay Ciidamo kale kaga dhaawacmeen. |
|
|
Warar shalay ay Idaacadaha qaar tebiyeen oo ahaa in Mowlaca Macallin Nuur ay dib u qabsadeen DKMG ah oo ay beenisey Xarakada Alshabaab islamarkaana markale geeyay Warbaahinta. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) War shalay ay Idaacadda Shabelle baahisay oo ahaa in Ciidamada DKMG ah ay dib u qabsadeen Mowlicii Macallin Nuur ayey Maanta Xarakada Alshabaab Beeniyeen Iyagoo sidookalena Warbaahinta Maxalliga ah iyo kuwa Dibeddaba ku martiqaaday Mowlacaas Macallin Nuur oo shalay sida Afhayeenka Booliska DKMG ah Bariise uu sheegtay in ay iyagu dib u qabsadeen. |
|
|
Alshabaab oo soo bandhigay Meydad ay ka dileen Ciidamada AMISOM, Iyo Madaxweyne Shariif oo Beesha Caalamka ka codsaday in ay toos u soo farageliyaan Soomaaliya Dagaallada ka socda. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) Iyadoo Maanta uu Dagaal aad u culus ka dhacay Aagga Hotel Jubba oo sida la sheegay ay Ciidamada AMISOM weerar ay u adeegsadeen Taangiyada Dagaalka ku soo qaadeen ayaa Faahfaahin uu Dagaalkaas ka bixiyey Afhayeenka dhinaca Ciidamada Alshabaab waxa uu sheegay in ay jebiyeen Ciidamadii AMISOM ee isku dayey in ay Go'doonka ay ku jiraan iska bixiyaan, Isagoo intaa ku daray in ay Askar badan ka laayeen oo ay Meydkooda gurbiskiisa ay Shaqo culus ku noqotay, Waxana uu Afhayeenku intaas ku daray in tiro intaas ka badan oo Ciidanka AMISOM ahna ay ku dileen Gudaha Madaxtooyada oo uu sheegay in ay Gantaallo la heleen iyagoo halkaas isku diyaarsanayey. |
|
|
Axmed Diiriye oo markale dhaleeceeyay Shabaab, Riyo-Maalmeedna ku tilmaamay Hamiga ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan Madaxtooyada. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) Afhayeenka Garab ka mid ah Odayaashii Hawiye ayaa Markale ku celiyey Dhaleeceyntiisii uu Xarakada Alshabaab ku eedeeynayey Caqli-Xumi uu sheegay in ay ku doonayaan Qabsashada Madaxtooyada, Dekedda, Iyo Airaboorka Muqdisho, Isagoo Arrintaas ku tilmaamay Riyo Maalmeed, Axmed Diiriye ayaa yiri "War Nimanku soow ma oga in Ciidanka AMISOM oo 5000 ka badan watana Hub Casri ah oo isugu jira Kaarayaal, BM, Iyo Beebayaalba ay Madaxtooyada Difaacayaan, Waxan u sheegayaa in aaney Wiilashaas ku leyn Godadka u dhexeeya Isgoyska Dabka iyo Madaxtooyada u maleyn maayo in ay Qabsan karaan Madaxtooyo Amaba ay Waddada Makka-Almukarama soo dhaafi karaane" Ayuu yiri Axmed Diiriye oo Shabaab ku eedeynaya Caqlixumo iyo Awood aaney lahayn oo ay isbideen sida uu sheegay.
|
|
|
(DHAGEYSO) AFHAYEENKA CIIDAMADA ALSHABAAB SHEEKH CABDULCASIIS (ABU-MUSCAB) OO FAAHFAAHINAYA GOOBO HORLEH OO AY KA QABSADEEN CIIDAMADA DKMG AH. |
|
Muqdisho, Isniin, 30 August 2010, (Hillaac.Net) Afhayeenka Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa ka warbixiyey Goobo horleh oo ay kala wareegeen Ciidamada DKMG ah, Goobahaas oo uu Afhayeenku sheegay in ay aad Muhiim ugu ahaayeen, Waxana uu Afhayeenku sidoo kale qeexay in ay Houmar weyn ka sameeyeen Dagaalladii ay Todabaadka ku wadeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah.
SII AQRI OO DHAGEYSO. |
|
|
DAGAAL CULUS OO ISGOYSKA DABKA IYO WADDADA MAKKA-ALMUKARAMA DIB UGA QARXAY, IYO AMISOM OO SUUQA BAKAARAHA DUQEYMO CULUS KU WADA. |
|
Muqdisho, Axad, 29 August 2010, (Hillaac.Net) Ciidamada AMISOM ayaa Maanta Mar qura Madaafiic ku hoobiyey Suuqa Bakaaraha Xilli Dad badan oo Shacab Soomaaliyeed ah ay halkaasi usoo dukaameysi tageen Iyadoo Subaxii hore ee Maanta aysan Wax Dagaallo ah soconin Degganaansho yarna ay ka jireen Goobihi la'isku horfadhiyey. |
|
|
Muqdisho oo Maanta yara deggan, Iyo Dhinacyadii Dagaallamayey oo iskudiyaargaroobaya. |
|
Muqdisho, Axad, 29 August 2010, (Hillaac.Net) Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Deggan Iyadoo uusan haatan ka socon wax Dagaal ah oo Fool-kafool ah oo u dhexeeya Dhinacyadii Maalmihii la soo dhaafay ku dagaallamayey, Xarakada Alshabaab ayaa Dhufeysyo Adag ka sameystay Goobihii ay kala wareegeen Ciidamada DKMG ah iyo AMISOM, Waxana jira Dhaqdhaqaaqyo hor leh oo ay labada dhinac isugu diyaargaroobayaan oo Magaalada laga dareemayo. |
|
|
WARIYAYAASHA IDAACADAHA MUQDISHO OO LAGU SOO WAREEJIYEY GOOBIHII LAGALA WAREEGAY DKMG AH IYO XULUFADEEDA. |
|
Muqdisho, Sabti, 28 August 2010, (Hillaac.Net) Wariyayaal ka tirsan Idaacadaha Maxalliga ah ee Muqdisho ayaa Maanta lagu martiqaaday inay soo arkaan goobihii Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay Maalmihii la soo dhaafay kala wareegeen Ciidamada DKMG ah, Kuwa Ahlusunna, Iyo AMISOM, Iyadoo sidoo kalena Madaxda Alshabaab qaar ka tirsan ay Shirjaraa'id ku qabteen Goobihii ay Wariyayaasha ku qaabileen qaarkood. |
|
|
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|