September 09 2010 08:01:39
DHAGEYSO BBC SOMALI
BBC SOMALI 07:00
BBC SOMALI 11:00
BBC SOMALI 14:00
BBC SOMALI 18:00
DHAGEYSO VOA SOMALI
VOA SOMALI 16:00
VOA SOMALI 19:00
VOA SOMALI 20:00
HOOS KA DAAWO TVGA HILLAAC.NET
HOOS KA DAAWO ISLAM TV
Somali Links
· JILIBWEYN
· GEESGUUD.COM
· ADDACWAH
· CADAALADA
· DAYNIILE
· MARKACADEY
· BCLUB
· SHAACIYE
· DALKANEWS
· HORNAFRIK
· SHABELLE
· BARTAMAHA
· SOOMAALINEWS
· GENDERSHE
· KISMAAYONEWS
· SOMALIMEMO
· RADIO ALFURQAAN
· SHACABKA
· DHACDOOYINKA
· ALLMUQDISHO
· SOMALITALK

(Dhageyso) Xildhibaanno iyo Wasiirro lagu laayey Hotel Muna, iyo Afhayeenka Alshabaab oo faahfaahiyey Tirada Wasiirada iyo Xildhibaannada ay dileen!!.

Muqdisho, Talaado, 24 August 2010, (Hillaac.Net) Afhayeenka xarakada Shabaabul-mujaahidiin Sheekh Cali Maxa’uud Raage ( Sheekh Cali Dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadooda ay qaadeen weerarkii lagu qaaday Hotel Muna oo ah Hotel ay degganaayeen Wasiirro, Xildhibaanno, Saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo Qurbajoog uu sheegay in ay la shaqeynayeen Waddamada Reer Galbeedka, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in hoteelkaasi ay ku dileen kudhowaad 70-qof oo isugu jira xildhibaano, wasiirro, saraakiil amaan iyo qaar kamid ah qurbajoogta dalka dib ugu soo laabtay kuwaas oo uu sheegay in ay u adeegayeen wadamada Reergalbeedka.

SII AQRI OO DHAGEYSO HADALKA SHEEKH CALI DHEERE.

XARAKADA ALSHABAAB OO DAGAAL KULA WAREEGAY GOOBO MUHIIM AH OO AY HORAY U JOOGEEN CIIDAMADA DKMG AH IYO KUWA AMISOM, IYO DAGAAL QARAAR OO WELI SOCDA.

breakingNews.jpgMuqdisho, Isniin, 23 August 2010, (Hillaac.Net) Daqiiqado kadib markii uu Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) uu galabta ku dhawaaqay in ay Dagaal kama dambeys ah ku qaadayaan Ciidamada AMISOM ayaa Magaalada Muqdisho waxaa isqabsaday Rasaas iyo Madaafiic ay Ciidamada AMISOM u qeybinayaan Xaafadaha iyo Suuqyada Magaalada Muqdisho, Iyadoo Dagaal fool-ka-fool ahna uu ka qarxay Dhammaan Goobihii ay Ciidamadu isku hor fadhiyeen, Iyadoo Markii uu Dagaalku socday wax ka yar Saacad ay Xarakada Alshabaab Saraakiisheedu shegeen in ay gacanta ku dhigeen fariisimo ay horey u joogeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya sida fariisin ku taallay dhabarka dambe ee Hotel Wehliye halkaasi oo ay jidgooyo u taallay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, Iyagoo sidoo kalena sheegay in ay la wareegeen Aagag cusub oo ku yaalla xaafadaha Taleex iyo dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho.

CIIDAMO GAARAYA 700 ASKARI OO KA SOCDA DALKA UGANDHA OO LAGA SOO DEJIYEY GAROONKA DAYUURADAHA MUQDISHO LOONA GALBIYEY XERADII XALANE.

Muqdisho, Axad, 22 August 2010, (Hillaac.Net) Saacadihii lasoo dhaafay ayaa sida Wararku nagu soo gaarayaan waxaa gudaha magaalada Muqdisho soo gaaran ciidamo hor leh oo ka socda dalkaasi ugaandha, Waxana Arrinkaasi xaqiijiyey Dadka kusugan Airaboorka Magaalada Muqdisho oo u warramay Idaacadaha Maxaliga ah qaar ka tirsan.

QARAX LAGULA EEGTAY CIIDAMADA AMISOM AGAGAARKA JAAMACADDII HORE EE UMMADDA OO FAAHFAAHIN AY NAGA SOO GAARTAY.

Muqdisho, Sabti, 21 August 2010, (Hillaac.Net) Qarax loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso meelaha fogfogna laga hago ayaa Maanta lala helay Gaari ay ka buuxeen Ciidamada Burundi ee Saldhigga ku leh Jaamacaddii hore ee Ummadda Soomaaliyeed Iyagoo marayey Waddada Laamiga ah ee tagta Jaamacadda.

AFHAYEENKA AMISOM BAHUKO OO ISLAAMIYIINTA KA CODSADAY IN AYSAN WEERAR KU SOO QAADIN BISHA BARAKEYSAN EE RAMADAAN, ISAGOO SOO QAATAY HADALLO AY SHEEGEEN CULIMO TAAGEERSAN DKMG AH IYO AMISOM.

Muqdisho, Jimce, 20 August 2010, (Hillaac.Net) Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan Bariijiya Bahuuko ayaa waxaa uu ka codsaday Kooxaha Islaamiyiinta ah in aaney Bisha Ramadaan Weerar ku soo qaadin, Isagoo sheegay in Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay tahay in laga Faa'iideysto oo la Cibaadeysto sidii ay Wadaaddada Taageersan AMISOM iyo DKMG ah horay ugu baaqeen.

SARAAKIISHA AMISOM EE MUQDISHO OO SHEEGAY IN XOOGAGGA ALSHABAAB AAN LAGA ADKAAN KARIN HADDII AAN SOOMAALIYA LA KEENIN 40 KUN OO CIIDAN AH.

Muqdisho, Khamiis, 19 August 2010, (Hillaac.Net) Janaraal Nathan Mugisha oo ka mid ah saraakiisha ugu sarsareysa Ciidamada AMISOM ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya ayaa isagoo Waddanka Uganda Safar ku gaaray Saxaafaddana kula hadlayay waxaa uu sheegay inay dalbanayaan ciidamo gaaraya 40 kun oo Askari oo loo soo diro gudaha wadanka Soomaaliya si ay ula dagaallamaan Xarakada Shabaabul-Mujaahiddiin oo uu sheegay in ay Awooddoodu aad u Ballaaran tahay islamarkaana aaney wax ka qaban karin Siddeedda Kun ee Ciidanka Afrikaanka ah ee la Ballanqaaday in la keenayo Dalka Soomaaliya.

CIIDAMO TAAGEERSAN SHEEKH ATAM OO DIB ULA WAREEGAY GALGALA IYO ABAABULLO HOR LEH OO AY ODAYAASHA DEEGAANNADAAS WADAAN.

Muqdisho, Arboco, 18 August 2010, (Hillaac.Net) Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Galgala ayaa sheegay in Ciidamada Sheekh Atam ay la wareegeen Gacankuhaynta Deegaanka Buuraleyda ah ee Galgala iyo dhammaan Deegaannada ku xeeran oo ay Ciidamadii ku sugnaa ee Puntland ka Amarqaadanayey ka goosteen.

SHARIIF OO MUQDISHO KU SOO LAABTAY KUNA GOODDIYEY IN XARAKADA ALSHABAAB AY DALKA SOOMAALIYA KA SIFEYNAYAAN.

Muqdisho, Arboco, 18 August 2010, (Hillaac.Net) Shariif Sheekh Axmed oo Madaxweyne ka ah DKMG ah Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib safar uu ku tagay Waddanka Sudaan, waxana uu wacad ku maray inay dhawaan ay tirtirayaan Kooxo uu ku sheegay Cadaw ku soo duulay Dalka Soomaaliya.

Ciidamo ka goostay Maamulka Puntland oo ku biiray SSC, Iyo fariisimo hor leh oo ay faarujiyeen Ciidamada Puntland.

Muqdisho, Arboco, 18 August 2010, (Hillaac.Net) Ciidamo watay 4 Gaari oo kuwa Dagaalka ah ayaa maanta ku biiray Ururka SSC oo Dagaal kala soo horjeeda Maamulka Somaliland iyo Puntland labadaba islamarkaana u ololeeya in Somalia aaney kala go'in, Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada ka goostay Maamulka Puntland ay ahaayeen kuwo ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag, Iyo Ceyn, Waxana ay Ciidamadan goostay ka qeybqaateen Dagaalkii ay Ciidamada Puntland ku qaadeen Wadaadka la yiraahdo Atam ee Dagaalka kula jira Puntland, Iyagoo Ciidamadan shalay soo faarujiyey Fariisimo ay ku lahaayeen Buurta Galgala kadib markii ay Maalmo ku go'doonsanaayeen halkaas Dhibaatooyin badanna ay ka soo gaartay Dagaalkaas.

CIIDAMADA AMISOM EE MUQDISHO KU SUGAN OO XALAY MADAAFIIC KU GARAACAY MASJID TARAAWIIX LAGU TUKANAYEY!!.

Muqdisho, Arboco, 18 August 2010, (Hillaac.Net) Madaafiic dhowr ah oo Xoogagga AMISOM ay xalay la beegsadeen Masaajidka Sheekh Lakari oo ku yaalla degmada Wardhiiglay ee magaalada Muqdisho ayaa Nasiib wanaag Madaafiicdaasi inteedii badneyd ay hareer mareen Masjidka Iyadoo 2 Madfac oo Madaafiicdaasi ka mid ahna ay ku dhaceen Illinka hore ee Masjidka islamarkaana ay Qasaaro ka soo gaartay Shacabkii halkaa ku sugnaa ee Taraawiixda ineey Tukadaan doonayey.

BUURTA GALGALA OO AY FAARUJIYEEN CIIDANKA PUNTLAND, IYO GAARI SAHAY U SIDAY CIIDANKAAS OO LA GUBAY!!.

Muqdisho, Talaado, 17 August 2010, (Hillaac.Net) Sida ay sheegayaan wararka laga helayo nawaaxiga Buurta Galgala waxaa maanta barqadii qarax miino lala eegtay gaari Jeemis ah oo sahay u siday Ciidamo ka tirsan Puntland oo maalmihii u dambeeyay saldhigyo ciidan ku lahaa Buurta Galgala, Wararka ayaa sidoo kale qeexaya in qaraxaasi oo ka dhacay Dalcadda Buurta Galgala uu burburiyay gaariga lala eegtay islamarkaana islamarkaana ay ku baaba'een Ciidamadii iyo Agabkii saarnaa Gaariga.

THIS IS YOUR IP ADRESS

MAQAALLO

Itoobiya (Qabaa'ilka Soomaalida ayaan ku Qancinnay in ay Deegaannadooda Dowlado yaryar oo Dowladda Itoobiya ku xiran ka sameystaan, Si Caasimadda Muqdisho ay u noqoto-?) (Sir Culus)

Timir u geysaa Iyo Tiin u dhigtaaba Tigree Tir-tirkaageey u socdaan!.(Maqaal Xiiso Badan) (Shukri Xassan, Shukri Yareey)

Odaygii Daarood ee Itoobiyaanka Watay Af iyo Addinba waad kula Dirirteene, Wiilka Hawiye ee Ugandheyska Ilmihiinna ku leynaya Maxaad uga Aamusteen?.(Maqaal Xiiso Badan)(W/Q:-Seynab Gaabo)

Ma Xusuusataa Labadii Arrimood Ee Uu Melez Zenawi Qirtay In Ay Suurtagalisay Jabkii Ciidamadiisa Ka Qabsaday Dagaalkii Ay Ku Soo Qaadeen Dalka Soomaaliya?. (xasuusin)
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
eXTReMe Tracker
Render time: 0.13 seconds 114,042 unique visits