(Real Madrid) 11 Luulyo 2018. Halyayga kooxda Real Madrid Míchel Salgado ayaa sheegay inuusan rumeysneen in Neymar ama Eden Hazard ay noqon karaan badalka c ee garoonka Santiago Bernabéu.

Difaacii hore xulka qaranka Spain ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in aan marna la heli doonin badalka Cristiano Ronaldo.

33 ayaa sanadii mushaar ahaan ku qaadan doono kooxda Juventus aduun dhan 30 million euros heshiiska uu ugu dhaqaaqay kooxd Juventus, wuxuuna saxiixi doonaa heshiis gaaraya ilaa iyo 2022.

Maamulka kooxda Real Madrid ayaa waxay haatan ku fikirayaan in ay u dhaqaaqaan midkood saxiixyada Neymar oo ah xidigaha ugu cad cad Hazard ay sidoo kale barbar socdaan Mohamed Salah iyo Kylian Mbappé.

Laakiin Míchel Salgado ayaa aaminsan in marna aan la heli doonin badalka laacibkii hore kooxda Real Madrid Míchel Salgado.

“Cristiano Ronaldo waa xidig ay qalad tahay in lagu fikiro in la helo badalkiisa, sababtoo ah lama buuxin karo booska laacib isagoo kale ah”.

“Hazard wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan koobka aduunka 2018, waa xidig aad u wanaagsan, sidoo kale Neymar waa xidig cajiib ah, isla markaana ay jecel yihiin cid kasta inuu yimaado Santiago Bernabéu”.

“Cristiano Ronaldo wuxuu sameeyay wax qabad gaar ah mudada 9-ka sano uu ku sugnaa kooxda Real Madrid, maanta waa inaan ixtiraamnaa go’aankiisa”.

“Dhamaanteen waxaan ka murugeesanahay bixitaankiisa, inkastoo go’aanka uu yahay mid ku xiran go’aankiisa waxaa waajib ah inaan ixtiraam ka muujino, waxaan u rajeenayaa guul marka laga reebo Real Madrid”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR