Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee Neymar jr ayaa dabka ku sii shiday wararkii suuqa kala iibsiga ee la xidhiidhinayay in uu dib ugu soo laabanyo kooxdiisii hore ee Barca kadib markii uu fariin hambalyo dhalasho uu Messi ugu diray qaab xaasaasi ah.

Lionel Messi ayaa maanta u dabaal degay dhalashadiisa 32 aad laakiin Neymar jr oo todobaadyadii ugu danbeeyay si wayn loola xidhiidhinayay kooxdiisii hore ee Barcelona ayaan go’aan ku gaadhay in aanu waxaas u joojin oo uu hambalyo baraha bulshada u mariyo Messi.

Iyada oo hore loo sheegay in Neymar Jr uu fariin whatsapp-ka uu Lionel Messi iyo ciyaartoyda kooxdiisii hore ee Barca uu ugu sheegay in uu wax walba u samaynayo sidii uu u soo laaban lahaa, waxa uu markale si aan qarsoodi ahayn uu u muujiyay sida uu Messi u jecel yahay.

Xidiga reer Brazil ayaa Lionel Messi u diray fariin hambalyo iyo duco iskugu jirta wuxuuna ku tilmaamay walaalkii iyada oo waqtiga ay hambalyadani ku soo beegantay ay tahay waqti xaasaasi ah.

Neymar Jr ayaa fariinta hambalyada uu Messi u diray waxa uu ku yidhi: “Walaal dhalasho farxad leh. Ilaahay markastaba haku barakeeyo”.

Waxa kale oo uu Neymar jr qoraalka hambalyadan soo raaciyay sawir ay Lionel Messi aad iskugu faraxsan yihiin oo ay joogaan xarunta tababarka kooxda Barcelona ee waqtigii uu xidiga reer Brazil ka tirsanaa Barca.

Inkasta oo ayna wax cusub ahayn in uu Neymar jr hambalyo u soo diray Lionel Messi, laakiin sawirka uu doortay iyo waliba waqtiga ay ku soo beegantay ayaa xaaladii suuqa sii hurinaysa.

Si kastba ha ahaatee, Neymar jr ayaa doonaya in uu markale Lionel Messi iyo Luis Suarez uu kula shaqeeyo kooxdii uu sida fudud kaga baxay ee Barcelona iyada oo waliba la filayo in uu raali galin saxaafada mari doono in uu go’aan qaldan ku baxay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR