Xiddiga Barcelona Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuusan ku faraxsaneyn joogitaanka Camp Nou isagoo doonaya inuu ku biiro midkood kooxaha Manchester United iyo Real Madrid.

Neymar oo kujira xilli ciyareedkiisii shanaad ee Barcelona ayaa ku guuleystay koob kasta oo weyn tan iyo markii uu ka yimid kooxda Santos sannadkii 2013.

Xiddiga reer Brazil ayaa waxaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartooyda ugu fiican kubada cagta adduunka, waxaana xirfadiisa isha ku haya kooxo waaweyn oo ka dhisan Yurub.

Neymar ayaa inta badan dhibsanaya inuu ku hoos noolaado Lionel Messi, waxaana uu doonayaa inuu ku biiro koox uu hogaamiye ka noqdo.

Waxaa sidookale wararka qaar ay sheegayaan in Neymar uu ka carooday go,aanka Barcelona ninka ugu mushaarka badan dunida kaga dhigtay Lionel Messi.

Wargeyska Catalan kazsoo baxa ee Sport ayaa sheegay in 25-sano jirkaan uusan wali saldhigan kooxda kubadda cagta ee Barcelona.

Waxaa la sheegay in Manchester United, Real Madrid iyo Paris Saint-Germain yihiin kooxaha kaliya ee qaadan kara Neymar marka uu go,aansado ka tagista kooxda Barcelona.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR