Kadib waqti dheer oo mustaqbalkiisa shaki la galinayay, Maurzio Sarri ayaa isaga uu sumcad fiican leh ka baxay Stamford Bridge kadib markii uu Chelsea kula soo guulaystay UEFA Europa League isla markaana uu kaalinta saddexaad kaga soo dhamaystay Premier league.

Maurizio Sarri waxa uu Chelsea kaga tagay meel ka fiican halkii uu kula wareegay maadaama oo uu kooxda dib ugu soo celiyay UEFA Champions league isla markaana uu koob muhiim ah ugu soo guulaystay halkii xili ciyaareed ee uu Blues joogay.

Laakiin bixitaanka Maurizio Sarri ee Chelsea isaga oo kaliya kuma koobna laakiin waxaa jira shaqsiyaad ay guul ama guuldaro u tahay bixitaankiisa Stamford Bridge.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysaa guulastayaashii iyo guuldaraystayaashii bixitaankii Maurizio Sarri ee Chelsea.

Guuldaraystayaasha Bixitaankii Maurzio Sarri Ee Chelsea:

1-Gianfranco Zola: Halyaygii hore ee Chelsea ee Zola ayaa Stamford Bridge ku soo laabtay markii uu Sarri la wareegay shaqada tababaranimo ee Blues laakiin hadda waxa uu ka mid noqday guuldaraystayaasha bixitaanka Sarri.

Zola ayaan sii joogi doonin Stamford Bridge wuxuuna ka bixi doonaa kooxda uu tababare ku xigeenka halka xili ciyaareed ka soo ahaa. Sidaa daraadeed, waxa uu Zola ka mid noqday guuldaraystayaasha bixitaanka Zarri.

2-Jorginho: Maurizio Sarri ayaa Chelsea kula soo saxiixday Jorginho wuxuuna ka mid ahaa ciyaartoyda ugu muhiimsan ee uu ku soo shaqeeyay halkii xili ciyaareed ee uu Stamford bridge maamulayay.

Jorginho ayaa la wareegay booskii N’Golo Kante taas oo marar badan dood badani ka dhalatay laakiin hadda Jorginho waxa uu wajihi doonaa hubanti la’aan marka uu tababaraha cusub ee Blues la magacaabo.

Ugu yaraan Jorginho waxa uu limin karaa doorkii uu Sarri ka haystay wuxuuna ka mid noqon doonaa xidigaha sida wayn u tabi doona aaminaadii Sarri uu ku haystay.

3-Gonzalo Higuain: Bishii January waxa uu Maurizio Sarri amaah kula soo saxiixday Higuian kaas oo Chelsea ku soo qaatay qaybtii labaad ee xili ciyaareedkan, laakiin rajadii uu Higuain ka qabay in uu Stamford Bridge sii joogo ayaa muuqbeeshay.

Higuain ayaan wax fursad ah ka heli doonin Chelsea waxaana la filayaa in uu dib ugu laaban doono kooxda uu hore amaahda labada jeer ah ugaga baxay ee Juventus.

Riix 2 si aad u akhristo guulaystayaasha bixitaankii Sarri ee Chelsea

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR