Magaalada Maalmahaan waxaa Ku Soo batay Kaluun “fresh ” ah oo xaafadaha lagu wareejinayo, Irida ayaa laguu Soo garaacaa. Malaay ma rabtaa, Deyn Ku qaado, markaa doonto iska bixi.

Sabab: xiligaan oo Kaluunku Ku badan yahay xeebaha. Wadooyinka oo xiran oo kaluunka aan la geeyn Karin xaafadaha qaar. Kaluunka oo galabtii la keeno, habeenkiina aan suuq loo heleeyn, meel lagu keeydiyana ma jirto, Shirkad qaadanee ma jirto.

Kiiladii Malaayga ah Nuuca fiican, Halkii kiilo waa Hal dollar, kan kale Halkii kiilo waa Nus Dollar. Dollarkii ayaase la la’yahay. Hilibka Xoolaha Hal kiilo waa lix Dollar.

Siduu noqon doonaa qiimaha Kaluunku, Haddii Shirkadaha Shiinaha ee fasaxa Kaluun la siiyay ey howshooda sii wataan. Yaa u saxiixay, Ma Nin Aqoontiisa Kaluunku ey la egtahay maqaayadiisii uu kaluunka ” Fish berg ” Ku iibin jirayaa?.

Malaaygeenu waa na deeqaa ee Farsamo ha loo helo, heshiiska shiinahana dib u eegid ha lagu sameeyo.

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR