Mohamed Abdirahman Osman, oo 28 jir ah ayaa lagu xiray Magaalada Tucson ee Gobolka Arizona, kaas oo lagu eedeeyay in uu qorsheynaayay ku biirista Al-Shabaab iyo in uu ka been sheegay Dukumiintiyada Qaxootinimo.

Laamaha ammaanka ayaa ninkan ku eedeeyay in uu ka been sheegay Dukumiintiyada qaxootinimo ee uu ku galay Mareykanka oo ay ka mid tahay in uu sheegtay in uu yahay Soomaali hayeeshee u dhashay Itoobiya.

Waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu ka baxay Jigjiga una tagay Muqdisho si uu ugu biiro Al-Shabaab, islamarkaana la kulmay oo uu bartay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Ururka.

Xaaskiisa Zeinab Abdirahman Mohamed, oo 25 jir ah ayaa wajaheysa saddex eedeyn oo ay ka mid yihiin in Ninkeeda ay la been sheegtay islamarkaana iyada iyo Odaygeedaba u been sheegeen hay’adda socdaalka Mareykanka.

Labada qof waxaa ay ku noolaayeen dalka China, waxaana iyaga oo halkaas jooga la aqbalay codsigooda deganaanshaha rasmiga ah ee China.

Saraakiisha Dambi baarista dalka Mareykanka, ayaa baaritaan rasmi ah waxa ay ku wadaan kiiska la xiriira been sheegista ninkaan iyo tuhunka ku aadan inuu Shabaab ka tirsan yahay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR