Taageerayaasha kubbada cagta ayaa si wayn u jecel in ay hal maalin kooxdooda ku arkaan da’yarka layaabka soo dhigay ee Kylian Mbappe kaas oo hadda noday xidiga kubbada cagta aduunka ugu qiimaha badan.

Hal arin oo uu Kylian Mbappe ka sameeyay baraha bulshada ayaa saamayn ku yeelatay taageerayaasha kooxda Liverpool waxayna ka dalbadeen in aanu noloshooda ku ciyaarin si ayna u rumaysan in uu kooxda imanayo.

Maalmihii ugu danbeeyay taageerayaasha Liverpool ayaa si dhaw isha ugu hayay dhaq dhaqaaqa Kylian Mbappe kaas oo fasixiisa ku qaadanaya dalka Maraykanka, waxaana jiray waxyaabo sabab u ahaa in ay jamaahiirta Reds la socdeen Mbappe.

Aan ku horaynee sababta keentay in taageerayaasha Liverpool ay maalmihii ugu danbeeyay si dhaw ula socdeen dhaq dhaqaaqa Mbappe ayaa ah in uu baraha bulshada kala soo muuqday xidiga NBA-da Maraykanka ee LeBron James kaas oo Liverpool saami ku leh.

Waxa kale oo ay LeBron James iyo Mbappe kulmeen xili Liverpool iyo shirkada Nike ku dhaw yihiin in ay heshiis taariikhi ah oo £750 milyan gini ku kacaya wada saxiixdaan, waxaana intaas dheer in Klopp iyo Fabinho oo ay Mabppe saaxiibo yihiin ay isla Maraykanka joogaan.

Arimahaas ayaa keenay in taageerayaasha Liverpool ay la socdeen xaalada Mbappe laakiin arimo uu baraha bulshada ka sameeyay ayaa isku dhex yaaciyay taageerayasha Liverpool.

Kylian Mbappe ayaa bartiisa Instagram ka raacay Mohamed Salah, Fabinho iyo Steven Gerard wuxuuna soo dhigay fariin ah “Soon” taas oo ay qaar ka mid ah taageerayaasha Liverpool u turjunteen in ay suurtogal noqon karto in Mbappe ay la soo saxiixan doonaan.

Mid ka mid ah taageerayaashii ficilka Kylian Mbappe ee Instagram u adkaysan kari waayay ayaa soo qoray: “Kylian Mbappe waxa uu hadda  Instagram ka raacay ama follow-gareeyay Salah, Fabinho iyo Gerard, wuxuuna sidoo kale soo qoray “Soon’. Kylian noloshayada ha ku ciyaarin, kaliya naftayada ha ku ciyaarin”.

Laakiin waxaa sidoo kale baraha bulshada maalmihii ugu danbeeyay la dhex wareejinayay sawir la filayo in taageere kooxda liverpool ahi uu si khibrad leh isku dhex galiyay sawirka Mbappe iyo Fabinho waxaana sawirkan ku qoran: “Waxaan isaga (Klopp) la hadlay markii aan u ciyaarayay Monaco”.

Sawirka Mbappe ee hadalkan lagu soo dul qoray waxaa la filayaa in qaybta hoose tahay Fabinho markii uu Monaco kaga soo biiray Liverpool laakiin qaabka ay isku waafaqsan yihiin in Mbappe laftiisu uu Monaco u soo ciyaaray isla markaana ay xaqiiq tahay in Klopp ay wada hadleen waqtigaas ayaa micno badan samaysay.

Kylian Mbappe ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa PSG waxayna taasi keentay in kooxaha Yurub ugu waa wayni ay rajaynayaan in ay la soo saxiixan karaan iyada oo waliba Liverpool ka mid ahayd kooxihii doonayay in ay lacagta badan kula soo wareegaan da’yarka reer France.

Si kastaba ha ahaatee, taageerayaasha Liverpool ayaa wali la socda dhaq dhaqaaqa uu Kylian Mbappe ka samaynayo  baraha bulshada waxaana soo jiidatay in uu Mohamed Salah, Fabinho iyo Gerard uu bartiisa Instagram ka raacay isla markaana uu soo qoray “Soon”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR